War Deg deg ah: Radio Muqdisho oo ay qabsadeen Kacdoonkii shacabka iyo idaacadda oo baahisay in ay la shaqaynayso.

HOOS KA DHEGAYSO GO’AANKA RADIYAHA

Halkaan ka akhri

Dhismihii Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku dhex yaallaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka cusub ee dowladda ayay isku hareereeyeen xilli uu baahinayay dood xildhibaanno kala taagersanaa in larido xukuumadda iyo inay arrintaasi qalad tahay, hase yeeshee waxaa isla markiiba dhismaha xilikiisii la wareegay oo ku xoomay banaan baxayaal ku sugnaa meel aan ka fogayn oo madax tooyada horteeda ku dhigay dibad bax.

Idaacadda ayaa baahisay oo la hadashay dadweynihii isku wareejiyay waxayna u sheegtay inay sii daynayso wixii rabitaankooda ah ee ku saabsan banaan baxyadooda iyo muujinta waxyaabaha ay doonayaan, iyadoo isla markiiba ay bilaabeen dadwaynihii akcdoonka ahaa inay is qaboojiyaan, wuxuuna Raadiyuhu bilaabay inuu baahiyo Heeso u muuqda in looga soo horjeedo labada Shariif, kuwaas oo badankood idaacaddu hore usii dayn jirtay xilliiga ay baahinayan barnaamishyada Al-Shabaab lagula dagaallamayo.

Si kastaba hanoqotee, banaan baxayaasha Muqdisho ayaa ku guulaystay inay Raadiyaha ku qasbaan inuu heesihii lagu qaadi jiray Al-Shabaab ku qaado labada Shariif.

HALKAAN KA DHEGAYSO RADIYO MUQDISHO IYO KACDOONKA QABSADAY

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

NIMCO DAREEN HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

%d bloggers like this: