Halkaan ka akhri
Inta badan Soomaalida ku nool dibadaha, gaar ahan wadamada ay ku badan yihiin jaaliyadaha Qurba joogta ayaa maanta salaadda Jimcaha ka dib isu ballansaday dibad baxyo ballaaran oo lagu muujinayo, niyad jabka laga qaaday heshiis dhagareedka ay Kampala kusoo kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmad iyo saxiibkiis Shariif Sakiin.
Inta badan shabakadaha warbaahinta ayaa laga dheehan karaa ogeysiisyo jaaliyaduhu isugu baaqayaan in laga soo qayb galo banan baxyadaas, iyadoo ay ka dhici doonaan wadamada Soomaalidu ku badan tahay ee Yurub iyo Afrika, Sida UK, Sweden, Norway, Kenya, South Africa iyo meelo kale oo fara badan, iyadoo sidoo kale banaan baxyo waawayn weli ka socdaan magalada Muqdisho, balse macadda sida xaalku noqon doono, iyadoo la ogaan doono saacadaha soo socda, haddiiba wax is bedel ah oo deg deg ah dhacayaan.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
Filed under: News Desk |
You must be logged in to post a comment.