FAALLO: Qalinkii Dr. Hiraabe
Halkaan ka akhri
Soomaalida jecel nabadda iyo soo celinta Qaranimada Soomaaliya waxay aad ugu xumaadeen warka ka soo baxay Kampala oo runtii u muuqday gumeysi dadban, waxay shacabku aaminsan yihiin xaqiiqdii in xilka Farmaajo uu u hayay shacabka Soomaali kuna mutay xushmad iyo sharaf keentay in maanta shacabka Soomaali uu diido gumeeysiga cusub,waxaa lumay rajadii umada iftiinkii qaranimo, muuqaaladii farxada lahaa ee bilihii ugu dambeeyey ka soo muuqday Muqdisho,xaqiiqdii waxaa soo noqotay rajadii Xamar iyo wada noolaanshahii umadda Soomaali, waa murugo cusub in shacabka loo maleego siyaasad uusan la jaan qaadi karin, is casilaadda R/wasaare Farmaajo waa guuldarro wayn iyo dharbaaxo ku dhacday rajadii dadka soomaaliyeed u soo iftiimaysay 21 sanno ka dib.
Farmaajo waa in uusan xilka bannayn, sabbabta oo ah qof walba oo Soomaali ah waxaa saaran waajib wadaninimo, shacabku waxuu kuu muujiyay in xilka aad umadda u haysid aad ku mudatay xushmo iyo sharaf balse haddii aad meesha ka tagto waxaa xaqiiq ah in aad dulmiga socdaa aad raalli ka tahay dhibka umada soo gaarana aad qeeyb ku lahaan doontid, shacabka waxa aay dalbanaayaan in aad xilka u haysid u muujisid geesinimo, shacbkana aad la wadaagto dhibaatada 21 sanno ay ku jireen, hadii banaan baxu Gedo ka dhici lahaa waxaan dhihi laheyn waa reerkiisii oo caraysan laakiin umada Soomaali 90 % ayaa ayidsan banaanbaxa iyo sii wadida xilka aad umadda u hayso.
Sheekh Shariif waxaa uu lumiyay xushmadii, sharfkii iyo magacii uu ku dhex lahaa shacabka Muqdisho, soo noqon meyso khalbi-jabka iyo dareenka murugada badan ee umadda Soomaali uu ku abuuray, waxaan iri hadda ka hor Sheekh Shariif inta aad carfeeysid Ceelbaraf naga aad, maanta waxa ay mareeysaa adigoo uraaya Ceelbaraf aad, Shariif Sakiin waxuu ahaa markii horeba cidna kama qarsanayn balse Sheekh Shariif la mooday noqon weyda, waxaa sharafta iyo xushmadii aad ka qaaday inta aad soo hogaamisay ee maxkamadihii iyo kacdoonkii xamar 2006 balse looma noqon doono.
Waxaa rajo i gelisay markii aan aragnay ciidanka xooga dalka soomaaliya oo diidan waxa ka soo baxay Kampala, waa markii ugu horeysay taariikhda in ciidamada xooga Soomaaliyeed shacabka barbar istaagaan una muujiyaan in hal hadaf ay wadaagaan oo ah soo celinta rajada Qaranimada Soomaaliya, Mudane Ra’isalwasaare Farmaajo waxaan ku dhihi lahaa rajada umadda ayaad tahay ha qaldamin u dhimo wadankaaga sidii aad horay u ballan qaaday.
Xamar sideey u rajo xun tahey… uma rabbi la’a.
Dr. Ali A. Hirabe     Hirabe_a@hotmail.com
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
Filed under: Faallo-Maqaal |
You must be logged in to post a comment.