Kacdoonkii Muqdisho oo halkiisii ka socda iyo kaalinta Booliiska Soomaalida ay ka ciyaarayaan.

Halkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho, maanta subaxnimadii hore   waxaa ka bilowday oo lagu arkayaa Qaban qaabada banaanbaxyo aad u ballaaran, Waxaa laga maqlayaa Xaafadaha Muqdisho gawaari ay ku xidhan yihiin Sameecado waawayn oo dadka ugu yeeraya inay soo wada baxaan, waxaana jira haween iyo caruur ku sii jeeda waddooyinka waaweyn Ee Magaalada Muqdisho ee taga hoyga Madaxtooyada iyo guriga Ra’isulwasaaraha oo ay xalay hortiisa baryeen Dibad baxayaal kale,  Waxaana halkaas hadal kooban ugu jeediyay Ra’isalwasaaraha.

Dhinaca kale, Taliska ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada kala shaqeeyaan ammnaaka xilliyada ay banaan baxyada ay dhigayaan si aysan qaraxyo uga geysan kooxaha argagixisada, islamarkaana shacabka dhibaato u soo gaarin.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir G/Sare Axmed Xasan Maalin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir ay illaaliyaan ammaanka islamarkaana ay ciidmada qalabka sida kala shaqeeyaan amniga, isagoo uga digay in ay ku soo dhex dhuuntaan kooxda looga bartay in ay geysato falal ismiidaamin ah.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay doonayaan in si nabad ah shacabka u muujiyaan dareenkooda iyagana laga rabo xilliyada ay dibad baxyada dhigayaan in ay ka taxadaraan ammaanka goobaha ay ku banaan baxayaan, Wuxuuna rajo ka muujiyay in ay fulin doonaan rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay maanta magaalada ka socdaan banaan baxyo, halka shalayna magaalada Muqdisho ka dhaceen dibad baxyo rabshado wata oo looga soo hojeestay shirkii ka dhacay magaalada Kampala, iydoo dhinaca kale dadka ay muujiyeen in ay ka xun yihiin in R/wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu iscasilo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

NIMCO DAREEN HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

%d bloggers like this: