Halkaan ka akhri
War Saxaafadeed qoraal ah ee ka soo baxay hoggaanka ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay dekadda Magaalada Muqdisho uu ku geeriyooday hal qof oo rayid ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen 3 askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika oo aan la sheegin wadamada ay u dhasheen.
Gaashaanle Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa ku saxiixnaa qoraalka warsaxaafadeedka ahaa ee ka soo baxay ciidamada AMISOM, waxaana lagu sheegay in ciidamada ay fashiliyeen qorshe ay damacsanaayeen ragii ismiidaaminta geystay oo ahaa in qaraxyada ay ka dhex fuliyaan gudaha dekada Muqdisho kadib markii ay rasaas ku rideen raga qaraxyada waday.
Afhayeenka wuxuu intaasi ku daray in ay badnaayeen ragii soo weeraray dekadda balse waxa uu tilmaamay in labo ka mid ah ay wateen waxyaabaha qarxa, isagoo cambaareeyay weerarkaasi oo uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ciidamada AMISOM ay ka qarqabeen.
Gaashaanle Paddy Ankunda ayaa qoraalkisu ku yiri: “Halkaan waa goob dadka loogu adeego, ma’ahan goob lagu dagaalamo, waxaan ognahay in Al Shabaab ay go’doomiyeen Bakaaraha, waxa ay rabaan in ay xiraan dekada, AMISOM-na waxa ay sii wadeysaa in amaanka ay ilaaliso, dadka Muqdisho ku noolna waa in ay ilaaliyaan dekada Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha”.
Dhanka kale Qaraxyadii shalay ka dhacay dekada weyn ee magaalada Muqdisho ayaa masuuliyadooda waxaa sheegtay xarakada Al Shabaab iyadoo Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere uu sheegay in qasaare ay gaarsiiyeen ciidamada AMISOM.
Sida la wada ogsoon yahay dhamaadii bishii May ayaa waxaa qarax ismiidaamin ah ay ku qaadeen xarakada Al Shabaab ciidamada AMISOM oo fariisin ku lahaa wadada Makka Al Mukarama waxa ku dhintay labo askari oo ka tirsanaa AMISOM halka 4 kalana ay ku dhaawacmeen.
SomaliSwiss Muqdisho
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.