Halkaan ka akhri
Kooxda xiriirka caalamiga ah ayaa ka codsatay beesha calamka Qaradamada Midoonay Midoowga Afrika in ay taagreen howlgalka ciidamada Midoowga Afrika ee AMISON.
War-murtiyeed ka soo baxay gabagabadii kulankii kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG ee uu hogaaminayay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiiga ayaa lagu sheegay in la taageero ciidamada AMISOM ee Nabad illaalinta u jooga Soomaaliya sidoo kale waxaa war murtiyeedka lagu ammaannay doorka ay ka qaateen ciidamada AMISOM in la wiiqo awooda koox Shabaab.
Sidoo kale War-murtiyeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in la xaqiiqsanyahay hormarka ay gaareen ciidamada dowladda iyo ku la xulafada ah ee AMISOM, iyadoona loogu tacsiyeeyay Eheladii ay Askartooda ku geeriyoodeen howllaha Soomaaliya ka socda.
Hase yeeshee ugu danbayntii waxa lagu codsaday in ay ka dhabeeyaan wadamadii horay u balan qaaday in Soomaaliya ay ciidamo u soo dirayaan sida Jabuuti Nigeria iyo kuwa kale.
Sida la wada ogsoon yahay Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 9000 Akari, oo ka mid ciidamada Nabad illaalin Midoowga Afrika ee AMISOM oo taageraya ciidamada dowladda oo hada gaaray inta badan isku filnaansho ay dalka uga saarayaan kooxda argagixisada ah ee Shabaab.
SomaliSwiss   Kampala
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.