Tacsi: Ugaas Cumar Ugaas Hirsi Ugaas Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Halkaan ka akhri

Dhammaan shaqaalaha Website-ka iyo Idaacadda SomaliSwiss media Waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyooday Ugaas Cumar Ugaas Hirsi Ugaas Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa.

Sidoo kale waxaa tacsi tiiraanyo leh diraya gudoomiyaha jaaliyadda Beesha Sade ee UK Saciid Maxamad Mire, Cabdi Waaxid Xasan Xaad, Cabdi Aadan Barre iyo dhammaan jaaliyadda beesha Sade ee UK, iyo Yurub waxay leeyihiin Janadii Allaha ka warabiyo intii uu ka tegayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo

Sidoo kale Dowladda KMG Soomaaliya waxey tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh u direysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii iyo reerkii uu ka geeriyooday Ugaas Cumar Ugaas Hirsi Ugas Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo uu in muddo ah uga irey isbitaal.

Geeridu waa xaq, qof walbana waqtigiisa EEBBE baa qoray. Sidaas daraaddeed, waxaan dhammaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka u direynaa tacsi qaran in Ugaas Cumar uu EEBBE janadii ka waraabiyo, dowladda, dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan uu EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN.

Ugaas Cumar waxuu ifka uga tagey 33 will iyo 21 gabdhood oo uu dhalay. Inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen waxey kor u dhaafayaan 95.

Ugaas Cumar Ugaas Hirsi waxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo muujiyey hoggaan dhab ah, isla markaana lahaa karti iyo waayo aragnimo, oo uu waqtigiisa inta badan ku bixiyey maslaxad, dib-u-heshiisiin iyo sulux uu dhex dhigo ummadda Soomaaliyeed. Ugaas Cumar waxuu ka tagey taariikh wanaagsan oo u baahan in la sii joogteeyo.

Ugu danbeyntii, waxaan ka codsaneynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u soo wada duceeyaan Ugaas Cumar inuu EEBBE ka waraabiyo Janadii fardowsa, annagana uusan EEBBE na fidneynin gadaashiis. AAMIIN.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: