Ra’isal wasaare Farmaajo oo is casilaya iyo labada Shariif oo arrintaasi isku afgartay.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa uu faafaahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee ka socday magaalada  Kampala ee dalka Ugand, wuxuuna caddeeyey  in Raisal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya uu go’aansaday in uu xilka iska casilo.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda KMG Soomaaliya C/kariim Xasan Jaamac oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Muqdisho ayaa ugu horayn faafaahin ka bixiyay waxaa ka soo baxay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah ee IGC waxa uu sheegay in uu shirka ku soo dhamaaday guul iyo is ‘’afgarad, isagoo tilmaamay in horay go’aamo uga soo baxeen Qaramada midoobay iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaliya oo ahaa in la dhameeyo khilaafaadka.

Dhinaca kale Wasiirka wuxuu carabka ku dhuftay in madaxda sar sare ee dalka ay kala saxiixdeen heshiis ah in ay wada shaqeeyaan, isagoo sheegay in la go’aamiyay in muddo hal sano loo wada kordhiyo dhamaan hay’adaha Dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya.

Mudane c/kariim xasan jaamac ayaa sheegay in R/wasaaraha Soomaaliya mudane Maxmed C/laahi Maxamed Farmaajo in uu go’aansaday in uu kursigiisa baneeyo marka uu dalka dib ugu laabto si loo soo afjaro ismarwaaga Siyaasadeed ee dalka ka taagan, wuxuuna tilmaamay in ay si wada jir ah ay u wada shaqeeyaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka cidii ka hor imaadana la cuna qabateen doono.

Hase yeeshee waxaa Wasiirku wax ka waydiinay waxqabadka xukuumadda R/wasaare Farmaajo, wuxuuna sheegay in  uu ahaa waxqabad muuqda oo ay dadka oo dhan ku xasuusan doonaan ayuu hoosta ka xariiqay in taasi ay tahay mid ay ummada Soomaaliyeed ay wada ogtahay waxqabadkii ay la soo baxday Xukuumadda uu hogaamiyo mudane Farmaajo.

Wasiirka warfaafinta mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa ugu danbayntii sheegay in muddo 30 maalmood gudaheeda uu madaxwayahana ku soo mgacaabo Xukuumadda cusub marka uu xilka ka dago R/wasaaraha si loo sii dhamaystiro howlaha dowladda u haray khilaafadka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: