Qodobbadii kasoo baxay shirkii Madaxda dowladda KMG ah ay ku yeesheen magaalada Kampala.

Halkaan ka akhri

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii madaxda DKMG ah uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin inuu xilka iska casilo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaana lagu sheegay in go’aannadan la gaaray iyadoo laga duulayo go’aankii golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay iyo talo-soo-jeedintii kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ee ku aadanaa inay hogaamiyayaasha Soomaalida isla meeldhigaan sida loo dhamaynayo xiliga KMG ah isla markaana ay ka heshiiyaan xiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha, tan gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa ayaa Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Afhayeenka Baarlamaanka waxay kulamo socday maalmo ku yeesheen magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Kulammadan oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Museveni uuna fudeeyey ergayga gaarka ah ee Qarammada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan danjire Augustine Mahiga ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ugu miimsanyihiin:

  1. In doorashada madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa dib loo dhigo mudo sanad ah oo ka bilaabmaysa 21-ka Ogoosto 2011.
  2. In doorashada madaxweynaha, guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa la qabto ka hor bisha Agoosto 2012.
  3. Iyadoo uu tixgelinayo baahida loo qabo habsami u socodka shaqada wanaagsan ee xukuumaddu hayso iyo in laga gudbo khilaafaadka soo dhexgalay baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaa ra’iisul wasaaruhu go’aansaday inuu dalka gudihiisa shaqada iskaga casilo soddon maalmood gudohood.
  4. Laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixo isla soddonkaa cisho gudahooda ayuu madaxweynuhu kusoo magacaabayaa ra’iisul wasaare cusub. Baarlamaanku wuxuu ballan qaaday inuu ansixiyo ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa 14-maalmood gudohooda markii loo soo gudbiyo.
  5. Dhismaha golaha wasiirrada waa in la tixgeliyaa qaabka 4.5 waa in lagu dhisaa ruux wadatashi ay is-aaminaad ku dhisan tahay oo ay madaxda hay’adaha dawladdu yeeshaan iyadoo ay xaddidayso shaqooyinka hayad walba ugu tilmaaman axdiga KMG ah. Wasiirradu waa in noqdaaan kuwo aqoon, khibarad iyo hufnaan leh.
  6. In baarlamaanka iyo xukuumadda cusub ay ka wada shaqeeyaan sidii loo meelmarin lahaa waajibaadka marxaladda KMG ah, kuwaasoo ay ugu horayso nabad-gelyada, dhameystirka dastuurka, diyaarinta, doorashooyinka, dib u habaynta baarlamaanka iyo xoojinta xiriirinta siyaasadeed iyo wadashaqaynta dadka Soomaaliyeed ee ay wax ka go’aan.
  7. In la dejiyo howlo qeexan, qorshe waqtiyeysan iyo waajibaad tilmaaman oo lagu dhamaystiro waajibaadka marxalada KMG ah.
  8. In la abuuro jawi ay wada-shaqayn iyo iskaashi ku yeeshaan baarlamaanka iyo xukuumadda si taas loo xaqiijiyana waa in la joojiyaa dagaalka warbaahinta waana inaan muddo sanad ah mooshino laga keeni karin madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa. Sidoo kale waa inaan xukuumadda laga keeni karin mooshin aan sabab iyo daliil xoog badan ku dhisnayn, kaasoo ay ku khilaafayso axdiga KMG.
  9. In lix bilood kaddib dib u eegid lagu sameeyo howlaha hay’adaha dawladda KMG ah.
  10. In madaxda goboleedyada (IGAD iyo EAC) ay dhisaan hay’ad siyaasadeed oo ay kala shaqayn doonaan UNPOS iyo AU taasoo dabagasha waxqabadka iyo meel-marinta howlaha lagu heshiiyay. Nidaaamkan oo la mid ah kii laga hirgeliyay dawladda Burundi kii lagu nabadeeyay ayaa kor meeri doonaa cunaqabatayn iyo ciqaabna saari doonaa ciddii ka hor timaadda hergelinta heshiiskan.

SomaliSwissĀ Ā Ā  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: