Madaxweyne Shariif oo ay Banaanbaxayaal u diideen in uu kasoo baxo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’isal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku xayiran gudaha garoonka Muqdisho, kadib markii ay maanta dib uga soo laabteen shirkii kasocday magaalada Kambala, hase yeeshee waxaa u suurtoobi wayday inay kasoo baxaan markii banaan baxayaal ka caraysan heshiiska Labada Shariif ee ah in xukuumadda Farmaajo lakala diro.

Wararka aan ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in Banaanbaxyadaan oo rabshado wata ay sabab u ahaayeen, heshiiska ka dhacay magaalada Kampala oo ay ku gaareen labada Shariif taasoo horseeday in xilka laga qaado xukuumadda Ra’isulwasaare Farmaajo oo shaqo wayn ka qabtay caasimadda, si loogu bedelo xukuumad wadaag ah oo shariif sakiin loogu darayo dowladda cusub ee ay doonayaan inay dhisaan.

Wararkaan ayaa sheegaya in Sheekh Shariif & Mr. Farmaajo ay ku sugan yihiin gudaha garoonka iyadoo ilaalada Ciidamada Amisom & kuwa Dowlada ay ilaalo xoogan ka hayaan gudaha garoonka, iyadoo wadada looga soo baxo garoonka ee qeybta KM-4 ilaa Madaxtooytada ay u xiran tahay banaan baxayaal kuwasoo doonaya in laga laabto heshiiskaasi.

Mid ka mid ah Banaanbaxayaasha ayaa sheegay iney ka hor-istaagi doonaan Madaxweynaha inuu ka soo baxo Garoonka inta uu ka laabaanayo heshiiskii uu xalay la galay Shariif Sakiin oo ay ku eedeeyeen inuu caqabad ku yahay geedi socodka nabad waarta oo ka dhalata magaalada Muqdisho iyo dalka Soomaaliya, sidoo kale banaanbaxa yaasha ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha inuusan ku dhaqaaqin inuu iska casilo Jagada uu hayo.

HALKAAN RIIX OO KA DAAWO SAWIRO BADAN

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: