Qarax aad u xoogan oo Maanta gilgilay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka dhacay qarax gilgilay dhammaanba dhismaha weyn ee ay ka kooban tahay Dekedaasi, waxaana la sheegayaa in qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac dad halkaasi ka dhowaa.

Ilo weareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qof dhexda ku soo xirtay suunka waxyaabaha qarxa loo isticmaalo ayaa galay gudaha Dekedda, gaar ahaan xafiiska waaxda Badda ee Dekedda Muqdisho, iyadoona la sheegay in ninkaasi uu batoonka u taabtay isagoo maraya ka soo horjeedka xafiiskaasi oo hortiisana ay ku tiilay barxad aad u weyn oo madaxda iyo mas’uuliyiinta Dekedda ay gawaarida dhigtaan.

Sidoo kaloe Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo si weyn u ilaaliya ammaanka Dekedda ayaa la sheegay inay mar kaliya ku baraarugeen qaraxaasi, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan qaraxaasi.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in kooxo watay Bambooyinka gacanta ay xarunta Dekedda ka soo weerareen dhinaca xabsiga dhexe oo Dekedda ku dhegan, halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan in nin sitay suunka waxyaabaha loo adeegsado uu isku hor qarxiyay iridda hore ee Dekedda, kaddib markii ay ka war heleen ilaalada Dekedda Muqdisho, qaraxaasi oo ka dhacay barta dadka lagu baaro.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa  in laba qof oo midkood ku hubeysnaa Bastoolad uu dhaawacay askari ka ciidamada AMISOM, kaasi oo lagu dilay isla halkaasi, halka midka kalena oo sitay waxyaabaha isagoo u sii cararaya Bakhaarka 3-aad oo lagu xareeyo Baabuurta Dekedda ka soo degta halkaasi oo uu doonayay inuu isku qarxiyo isna lagu dilay intii aanu gaarin.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: