Badbaadi Al-Shabab beesadu yeysan go’ine, baladuna ha iska socotee (Maqaal xiiso badan)

Halkaan ka akhri

Waxaa afarta jiho isqabsaday sawaxanka dadka Soomaaliyeed  ee ku dhawaaqaya in loo kordhiyo mudo  hal sano oo kali ah dawlada Farmaajo  say u dhammays tirto  ka dulqaadida shacbiga kooxda Al-Shabaab  iyo si- xun-noosha gabbaadka ka dhiganaysa qalalaasaha dalka lagu hayo 20-ka sano.

Waxaa doonitaanka arrintaas ku barbar taagan shacbiga Soomaaliyeed labada dowladood oo kaligood goostay in dhiiga qaaliga ah ee wiilashooda ay u huraan dadka Soomaaliyeed badbaadadiisa waqti aduunka intiisa kale dhabarka u jeediyey dhibaatada somaliyeed,qaarkina kuba hawllan yahay   bililiqaysa wax kasta ee laga bililiqaysan karo dalka Soomaaliya.

Waxaa dadka Soomaaliyeed yaab iyo dhakafaar ku ah  in waxa isku sheega bulshada caalamku ay dhagaha furaysanayso  qaylodhaanta iyo  sida dadka Soomaaliyeed ugu jeedo xalka dhibaatadooda. “Bulsho caalam –ku –sheegu” waxay si cad u u barbarmarayaan xalalka dadka Soomaali soo jedinayo waloo  ay ugu  celceliso si khiyaamo ah Soomaalidu waa in ay xal u heshaa  ayadu arrimaheed . Is-hardiga waxa ay sheegayso iyo waxa ay qabanayso Bulshada caalamku wuxuu si an lexleexad lahayn u muujinaysa laba arrimood midkood ama wadajikoodaba.

Labadaa ariimood ee “bulshda caalamka”ay qabtaa midkood ama labadaba waxay yihiin yasid garashada Soomaalida iyo/ama khiyaamo iyo hoosaasin. Ma jirto si kale oo maan gal ah oo loo macnayn karo taageerada ay siinayso inta doonaysa in la kala diro dowladan ayadoo marmarsiinyo laga dhiganayo  doorasho la hubo in ay khasaare kali ah keenayso oo dhabar jabinayso hawl socotey oo la mahadiyey.  Waxaa war’a  an qiil loo heli Karin iyo lama filaan ah ku ah qofka Soomaaliyeed  in “bulshada caalamku” oo wakiil ka yahay kalkkan Mahiga :

1.       ay la mooqif iyo afhayeen u noqoto kuwii labaatanka sano dulliga iyo dilka ku hayey shacbiga Soomaaliyeed.

2.       Dhagaha ka furaysato talada dalalka dadkoodii dhiigiisa u huray badbaadada Soomaaliyeed.

3.       Ismoogeysiiso dhawaqa isqabsaday ee dadka dhibto haysato ee sheeganaya ,rabana in ay gacan ka geystaan say uga bixi lahaayeen dhibka.

4.       Dooda ay ka fogeyso  ka hadalka nuxurka ay kala xambarsan yihiin doorashada iyo muddo kordhintu la isku haystaa iyo midba caaqibada laga dhaxli doono  ee sida dharaartii qof kasta ee Soomaali-ihi u arko. Yaa siiyey Mahiga awooda sharci ama damiir uu ku afduubayo shacbiga Soomaaliyeed iyo xukuumada shacbiga miidaantiisu rabto?

5.       In an besha-caalam-ku-sheegu ay afka ka dhawrto oo ayna soona qaadin saamaynta kala dirka daahsoon ee  looga danleeyahay doorashadu u ku yeelan doono  la dagaallanka argagixisada. Miyay adag tahay in loo aqristo ujeedada ugu weyn  ee kala dirka xukumadan  in u yahay naf  cusub ku afuufid Al-Shabaab iyo waliba qabqable dagaal oo idil.? See loo wajihi dagaalka Al-Shabaab yaase sii wadi ? Mindhaa Qanyare, Juriile , ibbi Iyo Suudi iyo Mahiga !!!!!!!   doesn’t Mahiga know the track record of these people ? haah, waa ogyahay lakiin waxaa cad in ujeedadiisu ayna ahayn xal u raadin dhibaato Soomaaliyeed. Soomaali, yaan lagu mashquulin  Soomaalibaa is-haysata. Qorshuhu waa badbaadi Al-Shabaab besada iyo baladuba ha socdaane.

Soomaali waa la haystaa oo waxaa haysta dowladu cadaw ah iyo mafia adeegsanaya bulsho caalam-ku-sheeg iyo mujrimiin Soomaali ah oo dadka ku beer laxawsada qabiil xinjirtiisana quuta.  

 Shariif Xasan Sh. Adan waxaa uu ku celceliyaa in la dhawro  dastuurka  oo doorashadu ay tahay arrin dastuuri ah oo muqadas ah taasoo  Mahiga-na  la istaago geed walba si lacag tamash leh looga soo helo dunida.

Waxaa kooxda an ku soo qaadnay sadarrada ugu dambeeyey  khiyaamo ahaan ayna sheegeen in dastuurku yahay wax dad danti u samaystay markuu dan moodana u badali karo suu u waafajiyo dantiisa. Ma aha ayado qur’aanka kariimka ka mid ah oo an waxba laga bedeli Karin. Aragtidan yaa la cuskanayey  markii barlamaanka bululuq ah Jibuti loogu qiilbixinayey. Haddaba, waxaa habboon in la weydiiyo kooxdan oo u ugu horreyo Shariif Adan waxa ay markii Jabuuti lagu labanlaabayey tirada Xildhibaannada (aqri Xil-ma-dhibaannada) ay u dhihi waayeen “war sidaan dastuurku ma qabo” oo ay u oggolaadeen in dastuurka  wax badalkiisa in ay xildhibaano ku noqdaan. Waxaan hubnaa in dadka Somali usan u hayn  wagaas labanlaabkii bululuq xiiso  ka badan kay maanta u hayaan waqti u kordhinta xukuumadan oo  daraf iyo dacal u arkaan mid horsed u ah badbaadadooda.

Waxaa cad in arrintu ayna shaqo ku lahayn dastuur dhawride ee ay tahay dastuurku waa loo bedbadele marba sida dantayadu tahay haddaan nahay si-xun-u-nool. somaliyeed. Dasturku waa ku jaangoáne danta shariif iyo saaxiibadi. Waxaa u egtahay in ganacsatadii waaweeneed ee qaadka, kuwii isbaarooyinka  iyo kuwii qandaraasyada haraaga kiimikalisku ay ay ganacsigoodii u weeciyeen (switching) xagga ka ganacsiga dhiiga iyo dhulka somaliyeed.waa haddaan ku sii eegano.

Runtu waxay tahay  in shariif Aden  iyo xayn kale oo si-xun-u –nool  ahi ay u argaan dadka Somali ari ayagu iska leeyihiin oo maalinba ay u geysanayaan suuqii ay danmoodaan.  Waxaan u sheegaynaa Shariif Aden in asaga,Mahiga,  dastuurka iyo xildhibaannada ku xiiqaya: lama yeeli karo, doorasho waa dhacaysa ,cidi ma diidi karto an midkoodna  dadka Soomaaliyeed u haysan wax xalaal ah oo ayna ka duwanayn saaxibadooda hada la jooga(dagaalogeyaaka) ee maamuli jirey isbaarrooyinka Soomaaliya. Nin sharci ku yimid yaa sharci maamula ee waxaan ku leenayhay  ha isku gudbin jidka nabada ee dadku rabo in u qaado.

 Cabas  C.  Cabdullahi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: