Xildhibaan Mowliid Macaan oo ku eedeeyay Labada Shariif inay ka degi la’dahay siyaasada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

 Waxaa xalay Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud uu si ba’an u weeraray Madaxda ugu sareysa Dowladda,wuxuuna eedeeyn dusha uga tuuray Labada Shariif inay yihiin kuwo ay ka degi la’dahay siyaasada dalka Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay in labada Shariif ay ku hayaan dalka Uganda  ilaa iyo inta Xukuumada howsheeda ka gudaneyso ama ilaa Xilliga KMG ka dhamaanayo.

Xildhibaan Mowliid Macaan  oo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo xalay ka baxayay Idaacada VOA ayna ka wada qeyb galayeen isaga iyo Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale ayaa waxaa uu ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu mas’uul ka yahay dhibaatada hada taagan.

Sidoo kale Xildhibaan Mowliid Macaan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Aniga eeda waxaa saarayaa, walaalkee, marna saaxibkee marna Seedigey Shariif Xasan, dhibaatada asigaa ka mas’uul ah, waayo Dowladnimada isagaa diidan”.

Wuxuu kaloo  Mowliid Macaan uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Barlaanku  inuu hor istaagan yahay fadhiyadii Baarlamaanka, sidoo kale wuxuu xusay in tan iyo bishii Febraayo uusan qabsoomin kulamadii Baarlamaanka, taasina ay nasiib daro tahay.

Dhanka kale Xildhibaan Mowliid Macaan wuxuu ku ammaanay Xukuumada Ra’iisul Wasaare Farmaajo tallaabada ay qaaday oo la xiriira  dhinaca ammaanka, wuxuuna  ku booriyay Caalamka in inta uu xilliga KMG ka idlaanayo Farmaajo howshiisa sii wato, Labada Shariifna lagu haayo Kampala.

Xildhibaan Mowliid ayaa wuxuu caddeeyey in dhibaatada hadda uu  dalka jiro uu soo bilaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Shariif Axmedna uu ku xigsaday, waxaana uu sheegay in arrin aan waligeed la arkin ay tahay in Gudoomiye Baarlamaan soo magacaabayo, Wasiir ama Jeneraal.

Si kasta ha ahaatee Xildhibaan Mowliid Macaan ayaa wuxuu  ka mid yahay Xildhibaanada ugu firfircoon ayaa hadalkiisa wuxuu ku soo beegmayaa xilli Beesha Caalamka, gaar ahaan Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxweynaha Uganda ay ku dhex dhexaadinayaan Magaalada Kampala Labada Shariif, waxaana la sheegayaa in wada hadaladaas haatan ay lugaha la galeen arrimo xasaasi ah oo tashwiish ku furay howlaha Dowladda ka wadohagaajinta ammaanka magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: