War murtiyeed laga soo saaray gunaanadka shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya( ICG) ee Kampala.

Halkaan ka akhri

War murtiyeeka laga soo saaray magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda ayaa loogu baaqay madaxda dawlada inay si deg deg ah u xaliyaan khilaafka dhexdooda xaliyaan.

War murtiyeedkaan oo dhawr bog ka kooban ayaa waxaa loga hadlay xaaladaha xilligaan uu ku suganyahay wadanka  Soomaaliya marka loo eego siyaasad ahaan iyo amaan ahaan waxaana loogu baaqay madaxda dawlada ee khilaafku ka dhaxeeyo inay sida ugu dhaqyisaha badan u dhameeyaan khilaafka dhexdooda ka jira si meesha looga saaro qalaanka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira.

Kooxda xiriirka caalamig ah ee ICG ayaa soo jeedisay in waqtiga dawlada uu ku egyahay bisha August ee sanadkaan hase ahaatee ay soo dhaweynayaan in waqti kordhin ay dawladu samaysato taasoo aan ka badneyn muddo hal sano ah waasi haddii la isku raaco sida war murtiyeedka ku qoran.

ICG waxay ka digtay in haddii l a dhameyn waayo khilaafka u dhaxeeya madaxda dawlada ay dawladu halis ugu jirto inay wayso taageerada beesha caalamka suurta galna ay tahay in la cunaqabateeyo waxayna ku baaqday ICG, du in raaco hishiiskii nabada ee Jabuuti ee dawladaan lagu soo dhisay.

War murtiyeenkaan laga soo saaray shirkii Kampala ayaa waxaa go’aanada ka soo baxay ka mid ah.

·        In lagu dhaqmo sharciga dawlada iyo waxyaabihii lagu hishiiyay xilligii Jabuuti.

·        In doorasho la qabto bisha August ee sanadkaan haddii aan la xalin khilaafka madaxdada dawlada u dhaxeeya iyadoona la dooran doono jagooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

·        In beesha caalamku ka walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya ka jira iyadoona loo baahan yahay in xal si deg deg ah loo gaaro.

·      Kooxda Xiriirka Somaaliya (ICG) waxay soo dhaweysay hadalkii ay sida wada jirka ahaa u soo saareen Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlaanka ee ku aadanaa inay diyaar u yihiin inay khilaafkooda dhameynayaan taasoo, ay ka sheegeen shirarkii horey loo qabtay.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in khilaafka hareeyay madaxda dawlada uu xagal daacin u yahay dadaalada nabadeed ee la wado iyo guulaha ay gaarayaan ciidamada dawlada iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM waxayna sidoo kale tilaabo wanaagsan ku tilmaameen shirka dawladu ku qabanayso magaalada Muqdisho bishaan June kaasoo ay ku tilmaameen inuu yahay wax gal u aayaha Soomaaliya.

Kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG waxay ku baaqday in dawladu sii wado dadaalka ay ugu jirto xal u helida arrimaha Soomaaliya iyo dib u qaabaynta ciidamada qalabka sida si loogu guuleysto amaan sugida.

Si gaar ahna waxaa loogu baaqay in dib u habeyn u baahan yihiin  ciidamada xooga iyo kuwa Boliska taasoo hormar u noqonaysa in xal waara la gaaro.

ICG ayaa soo dhaweysay guulo ay sheegtay inay gaareen ciidamada dawlada KMGS ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyadoona mahad gaar ah loo jeediyay wadamada ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan ee Uganda iyo Burundi iyo Midawga Africa iyo sidoo kale wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ama xataa dhaqaalaha iyo tababarada siiya dawlada iyo ciidamadeedaba.

War murtiyeedka ayaa waxaa loogu baaqay wadamadii horey u yaboohay inay taageerayaan ciidamada AMISOM ee balan qaaday inay ciidamo soo dirayaan inay balan qaadkooda oofiyaan si loo helo xal Soomaaliya amaankeeda lagu sugi karo Al-Shabaabna looga adkado waxana dhinaca kale ay ICG, du ku baaqday in taageero gaar ah la siiyo m/mulada dagaalada la galay Xarakadda Mujahidiinta Al-Shabab ee Puntland iyo culumo awdiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.waxaana sidoo kale soo hadal qaaday dhibaatada burcad badeeda Soomaaliyeed ay ka wado xeebaha Soomaaliya waxaana lagu baaqay iyana in loo bahan yahay in xal laga gaaro waxaana loo balamay in kulankan ka xiga laiskugu yimaado dalka Denmark bisha September ee sanadkaan kaasi oo lagu eegi doono xaaladaha kama dambeysta ah ee arrimaha Soomaaliya kasoo baxa waxaana war murtiyeedkaan lagu sheegay inay saxiixeen ergadii ka qeyb gashay kulankaankaasi.

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: