Halkaan ka akhri
Switzerland ayaa sheegtay inay Masar dib u ugu celin doonto Qabri Sanam ah oo Tobaneeye Sano ka hor laga soo xaday ; Guriga lagu xanaaneeyo (Museo),  lana dhigo qalabka farshaxan iyo alaabta Taariikhiga ah ee magaalada Basel ee dalkan Switzerland.
Sida ay  sheegeen mas’uuliyiinta Gurigaas in ay haatan soo dhameeyeen hab maamuleedkii dowliga ah iyo  waraaqaha xil wareeginta, maadaama  Sanamkan uu ahaa mid lagu keenay si sharci darro ah.
Xanaaneeyaha qalabka yaala Museo-yaha qaybta Masaarda ayaa doonaya inay wareejiyaan Qabriga Sanamka ah, balse qofka xanaaneeye qalabka yaala Guriga Muse’emla  ayaa wuxuu caddeeyey in Sanamkan dacwo Caalamiga ka keenin dowladda Masaarida, balse labada dhinac ay isla gaareen go’aankii lagu celin lahaa Sanamkaas, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Waaxda Federaalka Swisska uga qaabilsan Dhaqanka.
Sida la sheegay qabriga Sanamka ah ayaa la sameeyey Qarnigii 5aad oo ku beegnaa (2500 ka hor dhalashadii Nabi Ciise CSW.), hase ahaatee Sanamkan ayaa la sheegay in laga soo xaday Maqzin lagu keydiyo alaabta qadiimiga ee ku yaala magaalo la yiraahdo Saqqara  waxayna magaalada Qaahira kaga aadan tahay Koonfur, una jirtaa 30km .
Swissinfo SomaliSwiss  Zürich
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Switzerland to quiz Interpol on FIFA donation (usatoday.com)
Filed under: Basel Swiss |
You must be logged in to post a comment.