Halkaan ka akhri
Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Kampala ee wadanka Uganda ay wali ka socdaan shirkii lagu dhex-dhexaadinayey  madaxda sare ee dowladda KMG ah, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay isaga dab qaadayaan Wakiilka QM ee Soomaaliya Ambassador Mahiga, guddiga xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirka haatan uu yeeshay weji kale oo ka duwan sidii uu markii hore ku bilowday. yeeshay
Warar ayaa sheegay in Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni uu soo hor dhigay hindise cusub oo lagu xalinayo khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya u dhaxeeya, waxaana hindisahaasi uu muujinayaa in labada dhinac ay ka tanaasulaan mowqifyadooda, isla markaana arrinta si kale loo dhigo, waxaana xalay madaxtooyada Dowladda Uganda uu ka furmay kulan ay isugu imaanayaan Madaxweynaha , Guddoomiyaha Barlamaanka  iyo Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Mudane Farmaajo oo xalay ku biiray shirkaasi, Madaxweynaha Uganda, Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya iyo wufuuda dalalka xiriirka Soomaaliya.
Waxaa kaloo ay wararku ka imaanaya Shirka magaalada Kampala ay sheegayaan in inta badan qodobadii ay isku hayeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay isaga soo dhowaadeen, iyagoo isku afgartay in dowladda muddo hal sano ah loogu kordhiyo, si xukuumadu ay u dhameystirto howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay nabadgelyada iyo inay dalka ka saarto kooxaha mucaaradka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah uga soo bixin heshiiska shirka lagu dhexdhexaadinayo madaxda dowladda iyo kulanka xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Uganda, ayaa wararku waxay sheegayaan in wakiilada dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ay soo jeediyeen in xukuumadda muddo hal sano ah loogu kordhiyo, isla markaana mudada sanadka ah dalka loo diyaariyo doorasho.
Dhinaca kale Kulan magaalada Kampala ay ku yeesheen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ahaa mid ay albaabada u xiran ayaa la sheegay inuu natiijo la’aan ku dhammaaday kaddib markii Shariif Xasan uu dalbaday in xukuumadda isbedel lagu sameeyo, isla markaana xukuumadda cusub ee Madaxweynaha uu soo dhisayo loogu daro tiro Wasiiro ah oo aan la shaacin, taasi oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu shuruud uga dhigay haddiiba xukuumadda muddo kordhin loo sameynayo.
Si kasta ha ahaatee Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa  waxa uu shaaca ka qaaday intii aanu ka bixin magaalada Muqdisho in Guddoonka Baarlamaanka afduub ku heysto xukuumadda, isagoona caddeeyay in Shariif uu shuruud ka dhigay in Dowladda loogu daro Wasiiro horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii hore, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka inuu doonayo dan shaqsi ah isla markaana uu hareer maray danta dadka iyo dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss      Kampala
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Somalia:Guddoomiyaha Baarlamaanka: “Weli lama arkin anigoo magacaabayo Wasiir ama Garaaddo siinayo Generaallo” (laaska.wordpress.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.