Qaar ka mid ah xubnaha Barlamaanka oo ka digay in Xukuumada R/Wasaare Farmaajo la burburiyo.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Barlamaanka ayaa waxay maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxayna  ka digeen in shirarka ka socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda lagu go’aamiyo in xukuumadda Farmaajo meesha laga saaro, iyagoo xusay in haddii go’aankaas la isku raaco ay taageeri doonaan go’aankii baarlamaanka ee ahaa in doorasho la qabto.

Sidoo kale Xildhibaanadan oo tiradoodu agaaraysay 25-mudane ayaa si weyn uga digeen in la isku raaco in xukuumadda meesha laga saaro, iyagoo sheegay in wararka kasoo baxaya dalka Uganda ee sheegaya in la badalo xukuumadda ay gil-gileen.

Xildhibaannadan oo  qabtay  shir jaraa’id waxay sheegeen in Xukuumadda KMG ah ay muujisay waxqabad, sidaas awgeed waxay  codsadeen in muddo hal sano ah loogu kordhiyo  waqtigeeda si ay  Xukuumada ay howlaheeda u dhameystirto, balse haddii natiijadu ay noqotay wixii ay qabatay hala burburiyo, waxaan taageeraynaa go’aankii uu horay baarlamaanku u gaaray ee ahayd in doorasho la qabto.

Waxaa Kulanka Xildhibaanadan lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli ay madaxda DKMG ah shirar ku leeyihiin magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaasoo la sheegay in lagu xallinayo khilaafka madaxda DKMG ah u dhexeeya.

Dhanka kale Xildhibaanad Suuri Diiriye Carab oo ka mid ahayd xubnaha kulanka ka qaybgalay ayaa sheegtay inaysan aqbalayn in xukuumadda Farmaajo faragelin lagu sameeyo, iyadoo sheegtay inaysan cidna ka aqbali doonin in halka sano ee xukuumadda la siiyay lagu burbuiyo howlihii ay qabatay.

Xildhibaanad Suuri Diiriye oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: “Waxaan ka gilgilnay wararka ka imaanaya magaalada Kampala – innagu waxaan nahay hay’ad sharci-dajir ah ma nihin hay’ad fulineed – waxaana nasiibdarro ah inaan maqalno in guddoonka baarlamanaka uu ku gor-gortamayo in wasiirro laga siiyo xukuumadda”.

Hase yeeshee waxaa ugu dambeyn kulanka shirka jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay joojiyaan xeer jajabka ay arrimaha Somalia ku hayaan, isagoo sheegay inay iyagu yaqaannaan cidda qaldan, ayna iyagu diyaar u yihiin inay saxaan khaladka jira.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: