Advertisements

Dad rayid ah oo lagu laayey Koonfurta Gaalkacyo.

Halkaan ka akhri

Sida ay sheegayaan warar saaka naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug  in saaka koox dabley ah ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo fadhiyey maqaaxi ku taal xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo.

Sidoo kale  waxaa lagu soo warramay in weerarkan ay ugu yaraan ku dhintay 6 qof waxaaa ku dhaawacmay 19 kale weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay sida uu na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee magaalada Gaalkacyo agagaaraha Hotel Embassy ee Koonfura magaalada Gaalkacyo .

Waxaa la soo sheegayaa in weerarkan  uu daba socday weerar shalay ka dhacay deegaan u dhow Bali-Busle oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 11 qof, sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay caan ku tahay aanooyinka qabiil iyo dilalka joogtada ah oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Hase yeeshee maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa wax ka qaban waayey aanooyinka ka socda Gaalkacyo waxayna ku eedeeyeen dilalka dhacaya dad raba in ay isku dhuftaan Beelaha  dega gobalka Mudug.

Balse waxaa hubanti ah in dilalka ka dhaca inta badan Soomaaliya ayaa waxaan  ka marneen siyaasada is diidan ee ka socta guud ahaan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: