Ra’isal wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safar deg deg ah ku aaday dalka Uganda.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo uu ka soconayo shir u dhaxeeya madaxda dowladda oo looga gol leeyahay in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya.

Ra’isal wasaare Farmaajo ayaa galabta ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo kusii jeeday magaalada Kampala oo ay sugan yihiin  Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan.

Mr. Farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay in uu gorgortan siyaasadeed wado, xilli ay socdaan dadaallo ay xukuumaddu ammaanka iyo dhinacyo kale wax uga qabaneyso.

Hase yeeshee tan iyo maalintii Khamiista oo shir uu uga furmay magaalada Kampala kooxda xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya (ICG), waxaa soconayay dadaalo ay beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo dowladaha gobolku ay ku doonayeen in lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha ku aaddan xilliga kala guurka ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@htmaill.con

HALKAAN KA DAAWO SABEEL NAAGOOD QEYBTA 1-AAD

HALKAAN KA DAAWO QEYBTA 2-AAD

HALKAAN KA DHEGAYSO QEYBTA 1-AAD

HALKAAN KA DHEGAYSO QEYBTA 2-AAD

%d bloggers like this: