Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Howl galka AMISOM oo booqasho ku joogo magaalada Muqdisho

Halkaan ka akhri

Wafula Wamunyinyi  oo ah Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Howl galka AMISOM  oo booqasho ku joogo magaalada Muqdisho ayaa kormeer ku tegay Isbitaalka Ciidamada AMISON ee ku yaala xarunta  Xalane, wuxuuna soo booqaday dhaawacyo ka tirsan ciidamadsa Mdioowga Afrika ee Amisom  kuwaasi ooo ku dhaawacmay dagaalo todobaadkaan ka dhacay magaalada Muddisho

Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Howl galka AMISOM Mr Wafula Wamunyinyi oo la hadlay ciidamada dhaawac ah oo qaarkood xaalada qatar ah ku jiray islamarkaana yaalay isbitaalka Amisomn ee xarunta xalane ee Muqdisho  ayaa    u sheegay in ay yihiin geesiyaal u dhabar adeegay in ay ka miro dhaliyaan howsha loo diray oo ah in ay nabad ka dhaliyaan dalka Soomaaliya

Mr Wafula Wamunyinyi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Horumarka ay sameeyeen ciidamada isgarabsanayo e TFG iyo AMISOM waa mid aad muhiim u ah oo aan u bognay, waxay isula shaqeynayaan si wada jir ah, wixii ay sameeyeen ay muuqato, hada waxaa maalin walbo ay dhul ka qabsanayaan kooxaha xag jiriinta ah, waxaan amaan buuxdo iyo dhiiri gelin u dirayaa askarteena, aad ayaan uga xumahay in qaar ay ku dhaawacmeen howlgaladaan dhinaca amaanka ah, laakin waxaan heysanaa dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal wanaagsan oo dhinaca caafimaadka ah kuwaasi oo ku dadaalaya sidii ay u soo kabsan lahaayeen ciidamadeena waxaana ku faraxsanahay in ay si wada jir isula shaqeynayaan waan u duceynayaa askarta dhaawacan in ay si dhaqso ah usoo caafimaadaan”.

Sidoo kale Mr Wafula Wamunyinyi wuxuu hadalkiisa sii raaciyay ee uu yiri: “Laga soo bilaabo markii Muqdisho la keenay xarumaha rayidka ama bulshada bishii la soo dhaafay waxaa aad noo cajab galiyay horumarka la sameeyay, iyadoo horumar weyn laga sameeyey ammaanka Magaaladaa, waxay noo suurta gelineysaa in gar gaar iyo taageero aan siino hey’adaha dowladda iyo shacabka, gaar ahaan dhinaca bani’aadanimada”.

Warkan ayaa ahaa qoraal warmurtiyeed  ah oo ka soo baxay  Taliska Ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho, waxaana ku saxeexnaa warsaxaafadeedka taliyaha ciidamada Amisom hasa ahatee warsaxaafadeedkan ayaa imanaya xili  dagaalkii sabtidii ka dhacy magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda Uganada  iyo askar kale.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

DAAWO HEES CUMAR DHUULE

%d bloggers like this: