Dadweynihii ka barakacay degmada Boondhoore oo haatan billaabay in ay guryahoodii ku soo laabtaan iyo Woqooyiga Muqdisho oo uu qax ka billoday.

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay iyo saakay ay deganeyd xaalada magaalada Caasimadda ee Muqdisho, hase ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in saacadihi la soo dhaafay ay sii badanayeen dadka ka qaxaya degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hilwaa.

Sidoo kale habeenadii lasoo dhaafay ayaa dadkaan waxaa lagu harqiyey madaafiic ay ciidamada AMISOM la dhaceen kuwaasi oo sababay dhimashada dad ka badan 15 qof oo ahaa dhamaatood rayid.

inkastoo ay xalay joojiyeen duqeymihii labada dhinac ee ku dagaalamayso magaalada Muqdisho AMISOM balse waxaa la sheegay in ay ku dhinteen habeenadi Axada iyo Isniinta Degmada Kaaraanilaa iyo 12qof oo Rayid ah.

Shalay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay AMISOM in ay yareeyaan duqeymaha xilliyada habeenkii ah oo ay u geysanayaan Muqdisho kuwaasi oo ay ku dhimanayaan dadka rayidka ah.

Dhanka kale waxaa magaalada  Muqdisho dib ugu soo laabanay dadweynihii ka barakacay degmada Boondhoore oo haatan billaabay in ay guryahoodii ku soo laabtaan kadib markii xarakada Alshabaab laga saaray degmadaasi.

Sidoo kale Maamulka degmada Boondheere iyo dadweynaha waxay billaabay in ay durba olole nadaafadeed ka billaabaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi, waxaana la arkayay dadweyne dib u dayactiraya guryahoodii burburay, halka maamulka degmaduna uu haatan ku shaqeynayo xaruntii degmada Boondheere.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalintii sabtida aheyd i ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay gebi ahaanba ka xoreeyeen degmada Boondheere  Xarakada Al-shabaab ee ay horey u barakicisay shacabkii degamanaa degmadaasi.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

HALKAAN KA DAAWO SHABEEL NAAGOOD QEYBTA 1-AAD

HALKAAN KA DAAWO QEYBTA 2-AAD

HALKAAN KA DHEGAYSO QEYBTA 1-AAD

HALKAAN KA DHEGAYSO QEYBTA 2-AAD

%d bloggers like this: