Halkaan ka akhri
Wasiirka Gaashaandhiga ahna R/wasaare ku xigeen mudane C/kaxiin Maxmuud Xaaji Fiqi oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa ugu horayn ugu hambalyeeyay ciidamada qalabka sida guullihii ay ka gaareen howlgalkii ay maalintii sabtida ahayd ka fuliyeen dagmooyinka woqooyi ee magaalada Muqdisho.
Mudane C/kaxiin Maxmuud Xaaji Fiqi ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda ay waajib ku tahay in ay wadaan howglka tan iyo inta ay dalka oo idil ka sifaynayaan kooxda Khawaarijta ee Shabaab, isagoo intaa ku daray in gobollada ay ka soconayaan qorshayaal ballaaran oo lagu dhamastirayo howlgalka.
Wasiirku wuxuu intaa uu raaciyey ee uu yiri :“Gobollada dhammaan waxaa laga gaaray guulo, ciidamaduna waa sii wadayaan howl galka inta laga saarayo dalka kooxahaan Shabaabâ€.
Sidoo kale Wasiirku wuxuu ugu baaqay Dhallinyarada ay soo qaldeen Xarakada Al-shabaab in ay isu soo dhiibaan ciidamada qalabka sida oo badbaadin doona dowladdana soo gaarsiin doona, ayadoo loo diyaariyay qorsheyaal naftooda lagu badbaadinayo sida waxbarasho iyo nolol la siinayo inta ay ka kabanayaan dhibaatada heysata.
Ugu danbeyntii Wasiirku wuxuu ciidamada Dowladda u sheegay in shacabka Soomaliyeed ay sugayaan, kumanaan Soomaali ah oo guryahooda laga ceyriyay ay sugayaan guulaha ciidankooda, ayadoo sidaa si la mid ah ammaan ay u baahan yihiin, wuxuuna sheegay in cidamada laga doonayo in ay xajiyaan guulaha bilowga ah ee dalka lagu nabadeynayo.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
DAAWO HEESAHA SEYNAB LABA-DHAGAX
Filed under: Muqdisho |