Labada Mas’uul ee uga sarreeya dowladda oo kulmo Albaabada ay u xiran yihiin ku yeeshay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa kulammo ay albaabadu u xiran yihiin illaa xalay ku lahaa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Kulammadan uu garwadeen ka yahay wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine P. Mahiga ayaa ah kuwo lagu doonayo in la isku fahamsiiyo labada Shariif oo uu u dhexeeyo khilaaf dastuuri ah.

Sidoo kale Xildhibaano ku sugan goobta uu shirku ka dhacayay ayaa sheegaya in qodobka ay labada mas’uul isku mari la’yihiin uu yahay midka doorashada.

Sidoo kale Xildhibaannadan ayaa sheegay in khilaafyadii kale oo dhan laga heshiiyay, balse ay labada mas’uul ku kala aragti duwan yihiin xiliga ay doorashadu dhacayso, iyadoo Sheekh Shariif uu soo jeediyay in dib loo dhigo doorashada muddo sannad ah, halka Shariif Xasan uu ku adkeysanyo in doorashada xilligeeda ay dhacdo.

Dhanka kale Danjire Mahiga ayaa la sheegay inuu labada mas’uul la kulmay, islamarkaasna uu isku dayayo inuu isku soo dhaweeyo, waxaana lagu wadaa inay kulammadu sii socodaan maanta oo Isniin ah, waxaana khilaafka labadan mas’uul ka dhex-taagan uu hareerayay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ee ka dhacay Kampala kaasoo aan weli laga soo saarin war-murtiyeed.

Hase yeeshee go’aannadii shirkii  Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya (ICG) laga soo saari lahaa maanta ayaa dib loo dhigay illaa berri sida ay sheegayaan wararka laga helayo Kampala, waxaana sababta dib u dhaca lagu sheegay khilaafka labada mas’uul iyo inaan lagu soo darin warmurtiyeedkan halkii sano ee uu codsaday Madaxweynaha Uganda in loogu daro xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

DAAWO HEES KHADRA DAHIR

%d bloggers like this: