Advertisements

Hay’adda Qaxootiga Caalamiga ah (UNHCR) oo ka deyrisay xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen.

Halkaan ka akhri

Hay’adda Qaxootiga Caalamiga ah (UNHCR) ayaa ka deyrisay xaaladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen, kuwaasi oo ay sheegtay in dhibaatooyin ay kasoo gaareen dagaalada ka socda dalkaasi.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR oo warbixin ka soo saartay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa lagu sheegay inay aad ugu walaacsan tahay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen dagaallo xooggan.

 Adrian Edwards  oo ah Afhayeen u hadlay Hay’adaasi ayaa sheegay in Xaafad ku taala Woqooyiga Magaalada Sanca ee Caasiamdda dalka Yemen lagu dilay maalmo ka hor 2-Muwaadin oo Soomaali ah.

 Afhayeenka  u hadlay Hay’adda UNHCR. Oo ka hadlayey xaaladda Soomaalida ee mdalka Yemen ku nool ayaa wuxuu yiri: “Dagaalada ka socda Yemen waxay dhibaato ku tahay Qaxootiga Soomaalida, wiil iyo gabar oo aad u da’yar ayaa lagu dilay qalalaasaha ka jira Yemen, gaar ahaan Caasimaddad dalkaasi ee Sanca”

 Sidoo kale Adrian Edwards wuxuu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen ay ka barakaceen Teendhooyinkii ay ku noolaayeen oo ku yaalay Magaalada Sanca, isagoo arintaasi u sababeeyay dagaalada ka jira dalkaasi.

 Hase yeeshee tan iyo markii ay dagaalada ka bilowdeen dalka Yemen ayaa Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan dalkaasi waxaa soo food saartay dhibaatooyin aad u adag oo dhinaca nolosha ah maadaama dalkaasi ay ka socdaan dagaalo xooggan oo looga soo horjeedo Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax.

SomaliSwiss    Geneva

SomaliSwiss@hotmail.com

DAAWO HEESAHA SEYNAB LABA-DHAGAX

Advertisements
%d bloggers like this: