Halkaan ka akhr
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay dib u furmi doonaan fadhiyadii barlamanka, isagoo dhinaca kale ugu baaqay dhinaca kale ugu baaqay Xildhibaanada ku maqan dibadda inay si deg deg kusoo laabtaan Muqdisho.
Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay in loo baahanyahay in Xildhibaanada barlamanka ay yeeshaan kulamo xasaasi ah si looga doodo ajandayaal farabadan oo horyaala barlamanka kuwaasi oo u baahan in xal laga gaaro muranka ka dhaxeeya dowladda.
 Gudoomiye ku xigeenku wuxuu xusay in guddiyada Barlamanka ay mudooyinkii dambe wadeen howlo shaqo ah oo ku saabsan barlamanka, waxaana sidaasi daraadeed uu ka codsaday Mudanayaasha barlamanka inay kusoo xaadiraan maalinta Khamiista ee fooda nagu soo haysa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
 Sidoo kale Gudoonka sare ee Barlamanka Soomaaliya ayaa horey waxaa uu u sheegay in muddo ay xiran yihiin fadhiyada barlamanka taasi oo qaar ka mid ah Mudanayaasha barlamanka ay ku doodeen inay muhiimtahay inay kulamo ay yeeshaan Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya.
SomaliSwiss    Muqdisho
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
DAAWO HEESAHA SEYNAB LABA-DHAGAX
Filed under: SomaliSwiss |