Advertisements

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamanka KMG Soomaaliya oo Iclaamiyey in khamiista soo socota ay dib u furmi doonaan fadhiyada Barlamaanka.

Halkaan ka akhr

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay dib u furmi doonaan fadhiyadii barlamanka, isagoo dhinaca kale ugu baaqay dhinaca kale ugu baaqay Xildhibaanada ku maqan dibadda inay si deg deg kusoo laabtaan Muqdisho.

Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay in loo baahanyahay in Xildhibaanada barlamanka ay yeeshaan kulamo xasaasi ah si looga doodo ajandayaal farabadan oo horyaala barlamanka kuwaasi oo u baahan in xal laga gaaro muranka ka dhaxeeya dowladda.

 Gudoomiye ku xigeenku wuxuu xusay in guddiyada Barlamanka ay mudooyinkii dambe wadeen howlo shaqo ah oo ku saabsan barlamanka, waxaana  sidaasi daraadeed uu ka codsaday Mudanayaasha barlamanka inay kusoo xaadiraan maalinta Khamiista ee fooda nagu soo haysa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 Sidoo kale Gudoonka sare ee Barlamanka Soomaaliya ayaa horey waxaa uu u sheegay in muddo ay xiran yihiin fadhiyada barlamanka taasi oo qaar ka mid ah Mudanayaasha barlamanka ay ku doodeen inay muhiimtahay inay kulamo ay yeeshaan Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

 SomaliSwiss@hotmail.com

DAAWO HEESAHA SEYNAB LABA-DHAGAX

Advertisements
%d bloggers like this: