HOOS KA DAAWO SAWIRO & VIDEO
Halkaan ka akhri
Waxaa magaalada London looga dhawaaqay maamul goboleed in muda ah la sugayay in lagu dhawaaqo, waxaana ugu danbeyntii 5/6/2011 lagu dhawaaqay maamul goboleedka Ceelbuur State.
 Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayay maamul goboleedka Ceelbuur State iyo Madaxweynaha maamul goobleedkaasi ayaa lagu qabtay magaalada London dalka Ingiriiska.
 Maamul goboleedka Ceelbuur State ayaa madaxweyne loogu doortay Cabdulaahi Xuseen Maalin, sidoo kale waxay magaalada Ceelbuur noqon doonta magaala madaxda maamul goboleedkan, waxaana ka soo qeyb galay xafladii balaarneyd ee Ceelbuur State, dad aad u farabadan oo isugu jira guud ahaan qeybaha bulshada.
 Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf aad u balaaran oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee maamul goboleedyada ka jira dalka, waxaana marti sharaftaasi ka mid ahaa wakiila ka kala socday Maamul goboleedyada Galmudug State, Ximin iyo Xeeb, Hiiraan State iyo Jubba jaziira State.
 Waxaana dhamaan dadki ka soo qeyb galay xafladaasi ay si niyad sami ah is kugu marxabeenayeen maamul goboleedka Ceelbuur State iyo madaxweynaha loo magacaabay maamul kaasi.
 Madaxweynaha maamul goboleedka Ceelbuur State Cabdulahai Xuseen Maalin oo xafladaasi ka hadlay, ayaa codbaahiya ka xusay in masuuliyadu aysan aheyn wax fudud waxaana uu ka codsaday bulshada reer Ceelbuur State in ay gacan ku siiyaan xilka adag ee loo doortay.
 Sidoo kale waxaa goobta shirku ka dhacayay wacdaro ka dhigay fanaaniin ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee reer London, oo halkaasi ku soo bandhigay hees cusub oo loo sameeyay maamul goboleedka Ceelbuur State, heestaas oo ay ka mid aheyd ereyada ku jira Ceelbuur State dow adigaa ku can baxay.
 Xafladaasi balaarnedy ee lagu soo dhaweynayay maamul goboleedka Ceelbuur State ee lagu dhawaaqay habeen ki xalay ahaa, ayaa waxaa ka soo qeyb galay sida uu ahaa jawiga xafladu dad weyne aad uu farabadan, oo ka tirsanaa dadka ka soo jeeda Ceelbuur State oo soo buux dhaafiyay howl kii lagu qabanayay xafladii Maamul goboleedka Ceelbuur State.
Hadaba qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay xafladaasi oo aanu wax ka weydiinayay sida uu ahaa dareenkoodu marki ay xafladu socotay, ayaa noo sheegay in ay aad ugu faraxsanaayeen xafladaasi, sidoo kale waxaan waxaa ay noo sheegen in maamul goboleedkani ay ka rajeyn doonan in uu noqon doono mid horseeda, deeganada dhamaaan reer Ceelbuur State maamul ka saara gacanta Alshabaab.
  Ugu danbeyntii xafladan ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u qurux badan, oo ay u wada riyaaqeen dhamaan ka soo qeyb galayaashi xafladii Ceelbuur State, waxaana sida muuqata xafladan oo maqal iyo muuqaal ahaan looga soo deyn doono Universal Tv ay dhabar jab xoogan ku noqon doonto, qaar ka mid ah Website yada ay bulshada Ceelbuur State ay dheehdaan oo qoray warar xaqiiqda ka fog, taas oo u noqon doonta mid sumcad xuma dhanka saxaafada ah oo soo wajahi doonta.
Eedeymo xoogan oo inta maamul kani la magacaabin ay qaar ka mid ah warbaahintu buun buunisay, ayaa sida muuqata howlwadeenada abaabul ka maamul goboleedkan aysan dhag jalaq u siin, waxana dadaal koodi si hagar la aaneyd ay uga soo muujiyeen xafladaasi, waxaa sidoo kale xusid mudan qeybaha bulshada reer Ceelbuur State oo ka soo qeyb galay xafladani, gaar ahaan haweenka oo ah udub dhaxaadka Bulshada.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: M-Saadaq |
You must be logged in to post a comment.