Advertisements

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo dhulka oo sheegay in 75% Gaadiidleyda ay qaateen sharciyada lagama maarmaanka ah.

Halkaan ka akhri

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka dhulka,  Cirka iyo Dekedaha Dowladda KMG ah Soomaaliya Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo Saxaafadda kula hadlayay xarunta Wasaaradaasi ayaa ka warbixiyay howlaha ay Wasaaradiisu qabatay, isagoona sheegay ugu horeyntii inuu u mahad celinayo Golaha Wasiirada oo iyagu ansixiyay qaadashada Dokumentiga Gaadiidka Dalka.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 75% Gaadiidleyda ay qaateen Leesinka iyo dhammaanba Dokumentiyada lagama maarmaanka u ah Gaadiidka, isagoona sheegay in wejiga koowaad inuu uga mahad celinayo Gaadiidleyda iyo Darawalada ka howlgala magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka oo dhan sida ay u qaateen Sharciyada Gaadiidka Dalka, isagoo tilmaamay in sharciga ay gaadiidka u soo saareen ay ka sii muhiimsan yihiin Milkiilayaasha iyo Darawalada qaatay.

Sidoo kale Wejiga labaad waxaan soo saari doonaa Sharci la xariira Gaadiidleyda, kaasi oo caddeyn doona qaabab Sharciyeysan oo loo sameynayo Gaadiidleyda kala duwan.

Dhinaca kale Agaasime Dhagaxtuur ayaa uga mahad celiyay Waaxda Sumadda iyo Taargaha ee Fisho-Baraa, oo uu sheegay Agaasimuhu inay qabatay howlo muhiim u ah Gaadiidleyda.sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegey in Taargooyinka ay u qaybsami doonaa kuwo Shacabka lagu aooonsado iyo kuwa Dowlada oo uu sheegey in lagu qoro doono Summada G D

Hase yeeshee waxaa jira qaar ka mid ah Gaadiidleeyda oo iyagu u waramayey Warbaahinta ayaa Cabasho ka muujiyey Qiimaha loo gooyey Sameynta Sharciga Gawaari wadida iyo midka lahaanshaha oo ay sheegeen in uu yahay mid khaali ah oo aysan Xiligaan Bixin Karin waxayna Dowladda ka codsadeen in wax laga dhimo qiimaha loo gooyey Dukumentiyadaas.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: