Advertisements

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in ay si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere.

Halkaan ka akhri

Qoraal  War saxaafadeed oo loogu tala galay in Warbaahinta loo qaybiyo oo ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa looga hadlay dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, iyagoo ku xaqiijiyay in si buuxda ula wareegeen degmada Boondheere.

Sidoo kale Qoraalkan ayaa lagu sheegay in degmo muhiim aheyd ay kula wareegeen, kaidb markii ay  si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii shalay weerar ku qaadeen Xarakada Al-Shabaab.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa wuxuu sheegay in labo maalmood ka hor ay xaqiijiyeen degmada Hodan, oo Ciidamada Brundi ay ka wadaan dagaalka, kadib markii ay ka nadiifiyeen Kooxaha ka soo horjeeda dhanka koofureed ee Wadada Wadnaha.

Dhanka kale degmada Boondheere oo ilaa 1-KM u jirtay Xarunta Madaxtooyada ayay ku sheegeen in guud ahaan ka saareen Shabaab, gaar ahaan howl galkaas oo ay ka qeyb galeen Ciidamada ka socda Uganda.

Qoraalkan oo  ka soo baxay AMISOM  ayaa waxaa lagu yiri: “Kooxaha Xagjiriinta, waxaa hada ka saarnay degmada iyo dhismayaal muhiim ahaa, sida Wasaaradii Arrimaha Gudaha Safaaradii Talyaaniga, Safaaradii Suuriya, Xaruntii Idaacada Somaliweyn, Isgoyska Maana-Booliyo”.

Waxaa kaloo qoraalkan lagu sheegay in Meydka nin looga shakiyay inuu ahaa dagaalyahan ajnabi u dhashay Pakistan ayaa la sheegay inuu yaalo agagaarka degmada Shibis oo deris la ah Boondheere, halkaasoo la tilmaamay inay u sii carareen Shabaab iyo waqooyiga Jidka Wadnaha.

Hase yeeshee waxaa qoraalkan lagu xusay in Xag-jiriinta ay hada maamulaan oo kaliya degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dayniile, balse degmooyinka Shibis iyo C/casiis ay isku heystaan.

Taliyaha Howl gelinta Ciidamada Uganda Colonel Paul Lokech ayaa sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ay sii wadayaan howl galada lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda.

Somaliswiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: