Madaxweynaha Uganda oo ku celiyay dalabkii ahaa in duulimaadyada laga mamnuuco goobaha ay gacanta ku hayaan xarakadda Al-Shabab.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musaveni ayaa mar kale soo cusbooneysiiyay dalabkii ku aadan goobaha ay ka jiraan maamulada Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya in laga mamnuuco diyaaradaha.

Yuweri Musaveni  oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “ Waxaan dhawr jeer ka codsanay beesha caalamka in Soomaaliya laga sameeyo goobo ka reeban in diyaaraduhu tagaan iyo in meelaha qaar laga mamnuuco in maraakiibtu ku xirato..”

Sidoo kale Musaveni Musaveni wuxuu sheegay in xubnihii ka qeyb galay kulankii Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya (ICG), ku yeesheen magaalada Kampala inay meel mariyaan go’aanka ah in aag diyaaradaha ka reeban laga sameeyo Soomaaliya gaar ahaan gobolada ay ka taliso Xarakadda Al-Shabab oo dagaalo kula jirta dawlada KMG iyo ciidamada Midawga Africa ee AMISOM.

Madaxweyne Musaveni wuxuu xusay in hawlgalada hadda socda ee ay sida wada jirka ah u wadaan ciidamada dawlada KMG iyo kuwa AMISOM ay caawin karto marka gobolada Shababku ka taliyaan lagu soo rogo cuna qabateyn xagga cirka ah.

Madaxweynaha dalka  Uganda wuxuu ku celceliyey ee uu yiri: “ Waxaan dhawr jeer ka codsanay beesha caalamka in Soomaaliya laga sameeyo goobo ka reeban in diyaaraduhu tagaan iyo in meelaha qaar laga mamnuuco in maraakiibtu ku xirato haddana waan ku celiyay arrintaas waayo waxay caawimaad u tahay hawl galada socda”.

Dhanka kale Musaveni wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan hawlgalada magaalada Muqdisho ka socda ee ay ciidamadu wadaan waxaana uu intaa ku daray in hawl galadaasi ay dawlada Soomaaliya dhaxalsiinayso inay amaanka si guud u hanato.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynwe Yuweri Musaveni ayaa dhawr jeer oo hore ka sheegay kulamo caalami in loo baahanyahay in Soomaaliya laga sameeyo goobo diyaaradaha ka caagan si buu yiri loo cunaqabateeyo Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Somaliswiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: