Ambassador Mahiga oo dalka Uganda kula kulmay Madaxweyne Shariif & Gudoomiyaha Baarlamanka.

Halkaan ka akhri

Madaxda ugu sareysay KMG ah ee Soomaaliya iyo erygayga Q.M u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee maanta kulan ku yeeshay Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Sida lagu soo warramay waxaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ka socday Magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda, kulamo beesha caalamku la yeelanayeen madaxda dowladda KMG ah ee soomaaliya gaar ahaan Madaxwayne iyo guddoomiyeha Baarlamaanka ayaa waxa galinkii dambe ee maantii shalay kulan albaabadu u xiran yeeshay Madaxwayne Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, Guddoomiyeha Baarlamaanka Shariif Hasan Sheikh iyo erygayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya, Ambaashatoor Mahiga.

Hase yeeshee  ilaa haatan lama oga waxyaabihii ay ka hadleen Mas’uuliyiintan ayaa dhinaca kale warar hoose oo la helayo waxay sheegayaan in dhinacyadani ay ka hadlayaan khilaafka iyo kala arti duwanaanshaha u dhaxeeya.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Sare ayaa doonaya in midba kan kale kursiga ka rido waxayna isku hayaan in doorashooyin madaxtinimo ay dalka ka dhacaan fikirkaas oo ah mid uu qabo afhayeenka Baarlamaanku, halka Madaxwaynehuna wuu leeyahay waa in dowlada la siiyaa fursad hal sano ah si markaas ay dalka ugu soo celiso ammaan iyo kala dambeyn si loo galo marxad dadku ku dooran karaa, hase ahaatee taas waxaa ku diidan guddoomiyeha Baarlamaanka oo ku doodaya in doorashada la qabto ka hor bisha agoosto ee socota ee sanadkan.

Si kasta ha ahaatee Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed iyo Guddoomiyeha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa waxa u dhaxeeyay khilaaf xoogaystay oo ka dhashay sidii hay’addaha dowladda KMG ah u shaqayn lahaayeen xiligan kala guurka.

Somaliswiss              Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: