Halkaan ka akhri
Waxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho dagaallo goos gooska ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab militari ka helaya AMISOMĀ iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, waxayna ka dhacayaan goobihii shalay ay ku dagaalameen ee deegaanada waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
Sida uu caddeeyey Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM wuxuu sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta degmada Boondheere inkastoo afhayeen isba u hadlay Xarakada Al Shabaab uu beeniyay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen fariisimihii ay ku lahaayeen degmada Boondheere.
Ā Sidoo kale warar aan ka heley dadka ku nool goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa waxay inoo soo sheegeen in ciidamada dowladda Ā KMG iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen dhowr fariisin oo ciidamada Al Shabaab ay ku lahaayeen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Dhanka kale dagaalkii saakay ka dhacay Magaalada Muqdishoka sokow ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dagaaladii iyo duqeynihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku geeriyooday ku dhawaad 20 ruux iyadoo in ka badan 30 kalana ay ku dhaawacmeen.
Hase yeeshee ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalada goos gooska ah ee saakay ka dhacay xaafadaha waqooyi ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafado ku dhow dhow degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
SomaliswissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Muqdisho
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.