Advertisements

Madaxweynaha Yamen Cali Cabdalla Saalax oo xalay codkiisa laga baahiyay Telefeshinka dalkaas isagoo dhaawac ah.

Halkaan ka akhri

Wakaalada wararka ee dalka Yemen ayaa sheegtay in Telefeshinka dawladda Yemen uu xalay baahiyey cod laga soo duubay Madaxweynaha wadankaasi Cali Cabdalla Saalax, isagoo dhaawacan, kadib dhowr saacadood markii uu ku dhaawacmay weerar hoobiyaal oo lala soo beegsaday Qasriga madaxtooyada shalay oo Jimcaha ahayd.

Madaxweyne Saalax  ayaa wuxuu ka hadlay dhaawaciisa isagoo sheegay inu aad u fudud yahay uuna soo kabsanayo, wuxuuna u mahadceliyey dadka reer Yemen oo uu sheegay inay aad uga xanuunsadeen markii ay maqleen dhaawaciisa, hase ahaatee  wuxuu ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Cabdalla wuxuu tacsi u direy qoysaska dadkii masuuliyiinta iyo askarta isugu jiray ee ku dhintey weerakii shalay iyo kuwii ku dhawacmay wuxuuna u rajeeyey inta dhaawacan soo kabasho deg deg ah.

Madaxweyne Cali Cabdalla oo ka hadlayey kooxdii  ka dambeysay weerarkaas ayuu wuxuu ku eedeeyey inay yihiin burcad ah oo sharciga diidan, kuwaas oo soo duqeeyey  madaxtooyada ayna ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jira masuuliyiin iyo askar.

Dhanka kale waxaa warar kala duwan ka soo baxayey dhaawaca madaxweynaha waxaan ugu horreyntii ka hadlay afhayeenka  dawladda wuxuuna sheegay in madaxweynuhu shir jara’id qaban doono markii uu ku dhaawacmay weerarkii masjidka madaxtooyada lagu qaaday ka dib, balse taasi ma dhicin.

Hase yeeshee galabnimadii shalay aheyd ayaa wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdul Al-Janadi wuxuu cudurdaar ka bixiyey dib u dhaca shirka jaraa’id ee Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in Madaxweynuhu uusan telefishanka ka soo muuqan karin madaama uu dhaawac yahay, balse uu dhaawiciisu yahay mid fudud.

Dhowr saacadood ka dib waxaa telefishanku uu sii daayey cod laga soo duubay madaxweynaha isagoo ka hadlayey xaaladiisa iyo dhacdadii shalay.

Dhinaca kale hogaamiye dhaqameedka qabiilka Xaashid oo mucaaradka ugu xoogan ee dagaalka kula jira dawlada Yemen Sheekh Saadiq Al-Axmar ayaa beeniyey in kooxdiisu ay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday madaxtooyada shalay.

Si kasta ha ahaatee weerarkaas oo ahaa hoobiyaal lala beegsaday masjid ku dhex yaalla madaxtooyada oo xilligaasi salaadii Jumcaha lagu tukanayey waxaa ku geeriyooday Raysul wasaare ku xigeenkii dalka iyo imamkii Masjidka, Waxaa sidoo kale ku dhintay illaa 4 ka mid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.

Ugu danbeyntii sida la sheegay waxaa ku dhaawacmay weerarkaas Xubno ay ka mid yihiin raysul wasaaraha dalka, gudoomiyaha barlamaanka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha madaxtooyada oo dhaawacyo soo gaareen inkastoo dhaawaca raysul-wasaare ku xigeenka uu dhaawiciisu aad u culus yahay.

SomaliSwiss    Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: