Halkaan ka akhri
 Waxaa wali go’aan rasmi ah aan laga gaain Warmurtiyeedkii Shirkii 19-aad Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Kampala iyadoo aan laga soo saarin qodobo la isku raacsan yahay
Sida lagu waday in Shirka  uu ka soo baxo Warmurtiyeed loogu talagalay Saxaafadda ayaa lagu heshiin waayay markii loo qeybiyey xubnihii shirka kasoo qeyb galay qodobo qabyo ah, iyadoo ay Saxaafadda ay heshay nuqul ka mid ah qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku qornaa Qoraalka qabyada ah
Waxaa ugu horeyntii Warmurtiyeedkaas lagu teegaraya howlgalka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu mahadceliyay wadamada Uganda iyo Burundi oo ciidamadooda u huray iny geeyan Soomaaliya sida lagu yiri Warmurtiyeedka, iyadoo Beesha Caalamka ay soo jeedisay in la qabto doorashooyin si howlgalka Milatari ee ka socda Muqdisho aan loo cuuryaamin.
Warmurtiyeedkan oo qabyo ahaa  ayaa lagu sheegay in si looga baxo xilliga KMG ah ay muhiim tahay in lala tashto wadamada gobolka iyo Beesha Caalamka, iyagoo carabka ku adkeeyay in xilliga KMG uu ku egyahay August 2011-ka.
Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa waxay taageereen hadalkii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramda Midoobay oo sheegayay in qeybaha kala duwan ee dowladda is badalo lagu sameeyo sida ugu dhawna Madaxda dowladda ay u gaaraan hishiis ay ku dheehan tahay in doorasho ay dhacdo.
Mas’uuliyiintii ka qayb gashay Shirkaas ayaa waxay soo dhaweeyeen in Ambassador Augustine Mahiga inuu horkaco shirka June ee la filayo in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho uuna soo gudbiyo waxbixinadii kasoo baxa shirkaasi.
Hase yeeshee Warmurtiyeedka qabyada ah ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu xusay in haddii Madaxda dowladda ay hishiis gaari-waayaan ay horseedi karto in Beesha Caalamka ay taageerada kala laabtaan dowladda, ayna macquul tahay in cunuqabtayna lagu soo rogo dalka Soomaaliya.
Sida la caddeeyey Qoraalkaan ayaa wali laga gaarin heshiis kama danbeys ah, kaasi oo ku aadan in laga dhigo midka rasmiga ah ee kasoo baxay shirka, waxaana jiro guddi loo xil saaray inay isla soo gartaan Warmurtiyeedka ugu dambeeyo ee kasoo baxay shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.
SomaliSwiss   Kampala
Related articles
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.