Halkaan ka akhri
Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo ahaa in hadii doorasho ka dhici weyso uu dalka fowdo iyo qas geli doono.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha  ayaa sheegay in wax wanaagsan aanay aheyn in hadal mala awaal ah uu sheego Gudoomiyaha Barlamaanka, isagoo sheegay in aan loo baahneyn in qof mas’uul ah uu hadal hada quluubta wax u dhimi kara uu dhaho.
Ra’iisul Wasaaraha oo wareysi siinaayay Radio Muqdisho wuxuu yiri:  “Aniga warkiisa ma dhageysan, mala awaal wax wanaagsan ma ahan,  hadalo noocaas inuu dhahay waa maqlay, laakiin Dowladda howsha ay heyso waa inay Xasiloonida soo celiso, cid fowdo sameyn karta ma jirto”.
Wuxuu kaloo uu sheegay Ra’iisul Wasaare Farmaajo in howlaha ay wadaan Ciidamada xoogga dalka ay yihiin mid meesha looga saarayo Xarakada Al-Shabaab, isla markaana dalka lagu nabadeynayo, wuxuuna intaas uu raaciyey in  marka howl galkaas uu dhamaado, waajibaadka Dowladda uu yahay inay sugto nabadgelyada guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.
Ra’iisul Wasaaruhu isagoo uga digayey qas-wadayaasha wuxuu yiri: “Qofkii isku daya inuu qas sameyso waajibaad ayaa ka saaran Dowladda, nabadgelyada waa sugeynaa, dhibaatada waa garatay Ummadda Soomaaliyeed kumana noqoneyso mar dambe”.
Ugu danbeynta Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirkii Kooxda xiriirka Caalamiga ee lagu qabtay Magaalada Kampala wuxuu sheegay inuu soo dhoweynaayo hadalkii Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ee ahaa in hal sano loogu daro Dowladda KMG ah si ay howlaheeda u dhamaystirto.
SomaliSwiss   Muqdisho
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Somalia:Guddoomiyaha Baarlamaanka: “Weli lama arkin anigoo magacaabayo Wasiir ama Garaaddo siinayo Generaallo” (laaska.wordpress.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |