Ibraahim Afghani iyo Saraakiil Al-Shabaab ah oo gaaray Buuraleyda Golis iyo Galgala ee Puntland.

Halkaan ka akhri

Qeybo kamid ah Saraakishii waawaynaa ee xarakada Al-Shabab iyo cutubyo ciidamo ay wataan ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku qulqulayay Buuraaleyda Golis iyo Galgala ee gobolada W/Bari ee Puntland. Xog hoose oo ay shabakadda SomaliSwiss ka heshay ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa muujinaysa in sarakiil badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhinaca xeebaha Badda ka galeen gobolka Bari ee Puntland iyagoo doonyo ka soo racay meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Xarardheere.

Ilahaas wareed ee SomaliSwiss u warramay waxay xusayaan, in saraakiisha halkaas gaartay ay ka mid yihiin Ibraahim Xaaji Miicaad (Afghani) iyo Horjoogayaal kale oo ay ka mid yihiin saraakiil Ajnabiya. Xogtu waxay sheegaysaa in saraakiishaas badankood ay ka baxeen xeebaha Xarardheere, iyagoo uga sii tillaabay dhanka xeebaha Laas qororey iyagoo ka dibna usii gudbay dhanka buuraha Golis iyo Galgala ee ku gadaaman xeebaha Badda ee gobolka Bari halkaas oo bilihii ugu danbeyay ay ku dagaalameen maleeshyiyo daacad u ah wadaadka lagu magacaabo [Atam] oo gacan saar xoogan uu kala dhexeeyay xarakada Al-Shabab.

Dhulkaan Buuraleyda ah oo la sheegay in ay adagtahay sida loogu kala dkaado, haddiiba dagaal ka dhaco ayaa lagu xasuustaa inuu gabaad u ahaan jiray wadaado ka tirsanaa Al-Itixaad oo uu hogaaminayay Xasan Daahir Aweys xiligaasi oo ay isku fara saareen C/llaahi Yuusuf oo ay markii dambe isagoo nool qabteen.

SomaliSwiss Baydhabo, Boosaso, Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: