Gudiga Dastuurka Baarlamanka oo taageeray soo jeedintii Madaxda Uganda iyo Brundi ee ahaa in Hay’adaha Dowladda loo kordhiyo hal Sano.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta si rasmi ay u Soo dhoweeyeen Gudiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya hadalladii ay ka soo jeediyeen Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Brundi shirkii ka dhacay magaalda Kampala ee ahaa in mudo hal Sano ah loo kordhiyo dhamaanba Hay,adaha Dastuuriga ee Dalka Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in loo baahan yahay xal la isku afgarto oo ah waqti aragti isku mid ah laga qaato marxalada dalka iyo waqti kordhinta loo baahan yahay

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa intaa raaciyay in ay soo dhaweynayaan cid walbo oo mudo macquul ah wax ku qabaneysa islamarkaana la timaada wax aan ka hor imaaneen danaha shacabaka soomaaliyeed.

Hase yeeshee Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa wuxuu ugu danbayntii caddeeyey  in wadamada Yugandha iyo Burundi ay yihiin wadamo taageera dowladda Soomaaliyeed oo ay xaalada wanaagsan ee tala soomaaliya ay ka keeneen, sidaas darteed Hay’adaha dowladda loogu baahan yahay in hal mowqif ay ka qaataan arrintaani oo dhamaantooda loo wada kordhiyo muddo hal sano ah si ay dowladda u qabato howsha ay hada bilowday oo meel wanagsan haatan marayso.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: