Halkaan ka akhri
Dagaalo aad u culus oo aan laga hurdin daryanka rasaasta iyo madaafiicda xalay illaa maanta waxaa ay ka dhacayaan deegaano ka tirsan degmooyinka gobolka Banadir gaar ahaan Boondheere, Shangaani iyo deegaanno kale. Dagaalada oo ahaa kuwa xariir ah ayaa u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom iyo xarakadda Al-Shabaab.
Ka dib dagaal culus oo xalay ilaa maanta ka socday qeybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa ciidamada DKMG waxay gudaha u galeen xaafado ka tirsan degmada Shibis iyo Afrta Jardiino. Sidoo kale warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada ay ku dhowaadeen suuqa labaad ee ugu weyn magaalada ee Suuq Bacaad iyo deegaano ay ka mid yihiin Suuqii Siinaay iyo qeybo ka mid ah xaafadda nasiib Buundo iyo Manaboolyo.
Goob joogayaal ku sugan suuq Bacaad ayaa SomaliSwisso u xaqiijiyey in ciidamada DKMG ay si rasmi ah ula wareegeen Afarta Jardiino iyo Siinaay ka dib dagaal saf balaaran ah oo ay wada qaadeen ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom. Xoogaga Al Shabaab oo difaacyo ku lahaa deegaanada la qabsaday ayaa la sheegay in ay u gurteen dhanka Bari ee xaafadaha Arjentine oo weli dagaalku ka socdo.
 Suuq Bacaad waa Suuqa Labaad ee ku xiga Bakaaraha, iyadoo socodka gaadiidku istaagay, goobihii ganacsiga ahaa ee suuqana ay saaka xiran yihiin. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkan ayaan weli la tirakoobin.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |