Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo maanta lagu soo gaba gabeynayo mag. kampala.

Halkaan ka akhri

Magaalada kampala ee casimadda Uganda ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gebogebeeyo Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaa soo ay soo qabanqaabisay kooxda Xiriirka Caalamiga ah (International Contact Group), iyadoo madaxdii ka qeyb gashay ay soo jeediyeen in fursad la siiyo Dowladda haatan ka jirta Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay kooxda Xiriirka caalamiga ah (International Contact Group) oo maalnitii shalay ka furmay magaalada kampala ee caasimada wadanka Uganda ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan xaaladda soomaaliya, gaar ahaan Marxaladda kala guurka ah iyo sida looga gudbi karo.

Sidoo kale Kulanka ayaa qeybtiisa hore masuuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Uganda Yuweeri Musaveni oo sheegay in loo baahan yahay in muddo hal sano ah loo kordhiyo Hay’adaha kala duwan ee ay ka koobantahay Dowladda Soomaaliya si loo dhammeystiro Howlaha u haray dowladda, waxa uu sidoo kale ka digay in doorashooyin ay ka dhacaan gudaha dalka taasoo uu ku tilmaamay madaxweyne Musaveni inay caqabad ku noqon karto howlgallada lagu guuleystay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweynaha Uganada ayaa ku hanjabay in haddii lagu adkeysto in doorashooyin la qabto ay ciidamada Uganada iyo kuwa kale ee AMISOM kala bixi doonaan Soomaaliya, wuxuuna celceliyey in loo bahan yahay in fursad la siiyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Mudane Sheikh  Shariif sh. Axmed.

Hase yeshee hadalka madaxweyne Museveni ayaa waxaa muran weyn ka dhex dhaliyay ka qeyb galeyaasha kulanka ,gaar ahaan wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Augostine Mahiga uu ka soo horjeestay aragtida ah in aan la qabanin doorasho wuxuuna xusay in Shirkii ka dhacay Nairobi lagu soo balamay in la isku diyaariyo doorasho lana qabto shirka june kaddibna loo hogansamo go’aannada ka soo baxa.

Waxaa kaloo ay ka qeybgaleyasha kulanka soo dhoweeyay Howlgallada dalka Soomaaliya looga ciribtirayo maleeshiyaadka kooxda Shabaab, waxaana la filayaa in manta lasoo geba gabeeyo kulankaasi si looga soo saaro warmurtiyeed ay ku mideysanyihiin dhinacyada ka qeyb galaya kulankaasi.

Si kasta ha ahaatee kulanka ka socda magaalada kampala ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya in ka badan 46-dowladood oo ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’ado caalami ah oo ay ka maid tahay Bankiga lacagta Adduunka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

HALKAN KA DAAWO F/FISKA

%d bloggers like this: