Sarkaal ugu sarreeyay howlgalada gobolka Mudug oo qarax lagula beegsaday magaalada Gaalkacyo.

Halkaan ka akhri

Waxaa  saakay Qarax Miino lala eegtay taliyaha howlgalada gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, hase ahaatee waxaa nasiib wanaag ah in taliyuhu uu  qaraxaasi ka badbaaday.

 Sidda la sheegay Qarxaani ayaa ahaa mid xooggan, kaas oo saakay lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyaha howlgalada gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) wuxuuna gaarigaas uu  mararayay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug gaar ahaan goob lagu magcaabo Cagaar wayne.

 Warbaahinta G/Mudug ayaa sheegtay in qaraxaasi uu ahaa mid xooggan islamarkaana laga maqlay guud ahaan Magaalada, waxaana la tilmaaamay in qaraxaasi uu ahaa Miinada nuuca laga hago Rumuud kontorolka.

 Sidoo kale waxay wararku  ay sheegayaan in qaraxaasi uu dhaawacyo kasoo gaaray ilaa labo qof oo ka agdhawaa goobta uu qaxa ka dhacay, hase ahaatee Taliyuhu wuxuu shaaca ka qaaday in saacadaha soo aadan uu Saxaafadda ka siindoono faah faahin ku saabsan qaraxa lagula eegtay bartamaaha Magaalada Gaalkacyo.

Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) oo aan la xiriirnay ayaa waxaa uu sheegay in uu san ka hadlayn arimahaani hase ahaatee waxaa uu

Qaraxaani ayaa imaaday, iyadoo mudooyinkii dambe laga nastay qaraxyada iyo dilalka qoorshaysan ee loo gaysanayo Mas’uuliyiinta Puntland iyo waxgaradka gobolkaasi, waxaana Madxda Puntland ay sheegeen inay ka hortagayaan cid waliba oo falal amaan dari ka wada Magaalada Gaalkacyo ee  Xarunta gobolka Mudug.

SomaliSwiss    Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA FISKA

  • Picture of Bosaaso

    Picture of Bosaaso Image via Wikipedia

%d bloggers like this: