Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Dagaal culus oo socday muddo ka badan hal saac ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Koofurta magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in dagaaladaasi ay ka bilowdeen kaddib markii ciidamada xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta Wasaaradda oo fariisin u ah ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM/Burundi.

Sida lagu soo warramay in dagaaladaasi ay ku geeriyoodeen ilaa saddex ruux oo rayid ah iyo shanruux oo dhaawac soo gaaray markii rasaas iyo madaafiic habow ah ay ugu tageen guryahooda oo aad uga fogaa halka ay dagaaladu ka socdeen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dagaalkii xalay ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ay dhinacyada dagaalamaya ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan sida madaafiicda goobta, kuwa garabka laga rido iyo hubka darandooriga u dhaca.

Dhanka kale dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegayaa in dagaaladii xalay uu ka soo gaaray khasaarooyin kala duwan, inkasta oo la sheegayo in ciidamada xarakada Al-Shabaab oo iyadu weerarka ku qaaday halkaasi uu u badnaa qasaaraha soo gaaray.

Hase yeeshee waxaa saakay degan dhammaanba goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, mana jirto wax guul ah oo Al-Shabaab ay ka gaartay weerarkeedii xalay ay ku qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga, marka laga soo tago khasaare lixaad leh oo ka soo gaaray dagaaladaasi, inkasta oo Dowladda iyo Al-Shabaab aanay wax hadal ah ka soo saarin dagaaladii xalay ka dhacay halkaasi.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: