Qaramada Midobay iyo Dowladda Talyaniga oo ka wada hadlay arrimaha dalka Somaliya.

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Qaramda Midobay Ban ki Moon iyo Raisulwasaraha dalka Talyaniga Silvio Berlusconi ayaa la sheegay inay ku kulmeen magalada Roma ee xarunta wadanka Talyaniga, waxay kawada hadleen sidii dowlada Talyaniga oo kaashaneysa Golaha Amniga ee qaramada Midobay ay uga taageeri lahayd dowlada Soomaaliya arimaha la dagaalanka Burcad badeeda iyo Xarakada Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Agagixisada Caalamiga ah.

Sidoo kale Raisulwasaraha dowlada Talyaniga Silvia  Berlusconi oo wareysi siiyay wakalada wararka AFP ayaa sheegay in dowladiisu ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay xukumada Soomaaliya.

 Berlusconi wuxuu tilmaamay mashaariic kala duwan oo ay si gaar ah ugu wareejin doonaan gacanta xukumada KMG ah ee Somaliya, taasi oo looga goleehayay in lagu xaqiijiyo arimaha aminiga, la dagaalanka burcad badeeda, iyo arimaha baniaadanimada.

Dhanka kale Dowlada Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada xiriirka dhow la leh dowladda ay taageerto Qaramda Midobay ee uu hogaamiyo Shriif Sheikh Axmed, Balan qaadka laga maqlay dowladda Talyaaniga ayaa waxaa ay ku soo toostay xili maalmo kahor dowlada Mareykanku ay ka dhawaajisay in ay Somaliya ugu deeqeyso lacag dhan 7 million iyo bar taasoo qeyb ka ah barmaamish sare loogu qaadayo xirfada ciidamada dowlada iyo arimaha amniga.

SomaliSwiss    Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: