“Tacsi Tiiraanyo leh“, Innaa lillaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun“.

Halkaan ka akhri

Geerida waa xaq – Nafkastana wey  dhadhamineysaa…

Sidaas darteed waxaa dhamaan Jaaliyadaha Beesha Gaaljecel ee ku nool waddanka Switzerland  ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Beel-weynta Gaaljecel meel kasta oo ay ka joogaan dunida, gaar ahaan Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee  Marxuum Macalin Cali  Yuusuf xaaji oo shalay Talaadada ahayd  ku geeriyooday degmada Afgooye ee Gobolka Sh/ Hoose ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale  Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada, Guddiga Jaaliyadda Beesha Gaaljecel, iyo dhammaan Jaaliyadda Beesha Gaaljecel oo ku dhaqan dalka Switzerland, waxay tacsi gaar ah la u dirayaan  Cabdulqaadir Macalin Cali  Yuusuf Xaaji oo ka tirsan Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee ku dhaqan dalkan Switzerland oo Aabihiis shalay  ku Geeriyooday degmada Afgooye, laguna Aasay isla magaaladaasi.

Marxuum Macalin Cali  Yuusuf xaaji wuxuu Ifka uga tagay laba Wiil iyo Hal Gabar iyo wixii ay sii dhaleen, Alle ha u naxariistee, waxaan ilaah uga baryeeynaa inuu jannadii ka waraabiyo, Eheladii uu ka baxayna Samir iyo Iiiman ka siiyo.

 Sidoo kale dhammaanteen samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo, gadaashiidna Alle inama fidneeyo, Aamiin Aamiin Aamiin.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: