Advertisements

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ka codsaday shacabka in ay taageeraan shirka looga hadlayo Aayaha dalkooda.

Halkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo Radio Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay in shirka lagu wado in 12ka bishan June ka dhaco magaalada Muqdisho uu yahay mid ay ka qaybgalayaan qaybaha bulshada oo idil.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in waxgaradka Soomaaliyeed laga qaado fikrado, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay taageeraan shirkaan oo uu ku sheegay inuu yahay mid ummadda Soomaaliyeed kaga hadlayso Aayaheeda.


Ra’iisulwasaaraha oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:  ” Bishan June gudaheeda waxaa Muqdisho lagu qabanaayaa Shirka lagu casuumayo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed si ay fikradahooda uga dhiibtaan sida ugu habboon ee lagu xallin karo dhibaatada haysta Ummadda Soomaaliya”.

Hae yeeshee Ra’iisul wasaaraha  ayaa wuxuu tilmaamay in shirkan ay ka soo bixi doono wax dan u ah Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid Soomaalida loogu ogolaaday inay ku xalliso khilaafaadyada u dhexeeya iyaga.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: