Maalinta Caalamiga ee dabargoynta isticmaalka Tubaakada oo shalay loogu dabaaldegay Caalamka.

Halkaan ka akhri

Waxaa  shalay Caalamka loogu dabaaldegay maalinta Caalamiga ee la dagaalanka isticmaalka Tubaakada, sidaas darteed waxaa dalka Switzerland laga xusay maalinta dabargoynta Tubaakada, gaar ahhaan Sigaarka, kaasoo ay dowladda Konfederaalka Swisska ay bishii May 2010ka  go’aan ku gaareen in laga mamnuuco meelaha ay dadweynaha isugu tagaansida Baararka, Maqaayadaha, Dukaamada Xafiisyada dowladda iyo kuwa gaar ah iyo waliba gaadiidka dadweynaha.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Caafimaadka federaalka Swisska ayaa lagu sheegay in sanad kasta ay u dhintaan Cabitaanka waxyaaha laga sameeyo Tubaakada, gaar ahaan Sigaar iyo Sigarka dad gaaraya ilaa 9000Kun qof oo u dhinta Cudurro kala duwan oo laga qaada Tubaakada.  

Sidoo kale magaalada Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa  laga xusay maalinta dabargoynta Tubaakada, waxaa si gaar ah uga hadlay dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxayna ka digeen wax yeelada ka dhalan karta cabista Sigaarka.

Dhanka kale maanta  oo ah maalin loo asteyey, islamarkaasna loo aqoonsaday joojinta cabista Sigaarka. Waxaana  arrintaas ka Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle oo uga digay ummada Soomaaliyeed Cabista Sigaarka, wuxuuna sheegay in ay ka dhalan karto halis dhinaca Caafimaadka ah.

Hase yeeshee Dr. Dufle wuxuu Bulshada Soomaaliyeed ku booriyey in ay joojiyaan cabida Sigaarka isagoo ku celceliyay in ay ka dhashaan cuduro halis ah sida Kansarka, wuxuuna xusay in caalamku uu aqoonsanyahay halista ka dhalata cabista Sigaarka.

SomaliSwiss        Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: