Halkaan ka akhri
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar shalay galab lagu qaaday xarun ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, kaasoo koox isku soo ekeysiiyay Ciidamada Dowladda ay galeen xarunta iskuna qarxiyeen.
Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ah  Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa ka hadlay weerarkaas, wuxuuna sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab ay soo qaateen dharka Ciidamada, isla markaana ay soo weerareen xarun ay Ciidamada Ahlusuna ku sugnaayeen iyo kuwa AMISOM.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa sheegay in weerarkaas ay fashiliyeen Ciidamada, isla markaana ay laayeen kooxihii soo qaaday, waxaana uu xusay inay dileen 9-ka mid ah kuwii weerarka geystay, halka labo ay is qarxiyeen.
Wuxuu kaloo uu sheegay in aysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray, isagoo sheegay in taasi ku timid feejignaanta Ciidamada, laakiin hadalkiisa ayaa u muuqday mid ka hor imaanayay hadal ka soo baxay AMISOM kaas oo ahaa in saddex ka mid ah Ciidamada Ahlusuna ku dhaawacmeen, halka dhankooda labo askari kaga dhinteen mid kalena uu ka dhaawacmay.
Hase yeeshee Xarakada Al-shabaab ayaa  sheegtay in weerarkaas ku laayeen ilaa sodon askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana weerarkaas ay sheegeen in kooxihii ka dambeeyay ay qaarkood si nabad ah ugu soo laabteen xarumahooda.
SomaliSwiss     Muqdisho
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Somalia:Guddoomiyaha Baarlamaanka: “Weli lama arkin anigoo magacaabayo Wasiir ama Garaaddo siinayo Generaallo” (laaska.wordpress.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.