Halkaan ka akhri
War ka soo baxa Taliska Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen isku day weerar is-qarxin ahaa oo lagula soo eegtay fariisin ay ku lahaayeen agagaarka Jidka Maka Al-Mukarama, iyagoo faah faahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Afhayeenka AMISOM Major Paddy Ankunda  oo u qabtay Wabaahinta shir Jaa’id ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen afar askari oo dareyska Ciidamada watay, kuwaasoo ay sheegeen inay gaari uga dageen wadada Maka Al-Mukarama.
Hase ahaatee waxaa  war saxaafadeedkan lagu sheegay in iska hor imaad uu dhex maray Ciidamada AMISOM iyo kooxihii weerarka soo qaaday sidoo kale waxaa war-saxaafadeedkan lagu cadeeyay in saddex ka mid ah kooxahaas ay dileen oo labo ay is qarxisay, mid ka mid ah ay hayaan, mi kalena uu u cararay dhinaca degmada Xamarweyne.
Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay kaga dhinteen inta iska hor imaadka socday labo askari, halka mid kalena uu ka dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay sheegeen in saddex kale oo ka mid ah Ciidamada Ahlusuna ay weerarkaas ku dhaawacmeen.
Dhanka kale Col. Innocent Oula oo mid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in weerarkan uu xoojinayo niyada Ciidamada AMISOM, isla markaasna kooxihii falkaas geystay ay naftooda haligeen, dad rayid ahna ay waxyeelo u geysteen.
Si kasta ha ahaatee weerarkan ayaa ahaa mid ay aad u soo qorsheeyeen Xarakada al-Shabaab, waxaana marka loo eego qaabka uu u dhacay ahaa mid aanay ka fileyn Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, maadaama maalmihii la soo dhaafay feejignaan sare oo ku wajahan weeraro loo adeegsado baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyo ay ku jireen.
SomaliSwiss     Muqdisho
Related articles
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.