Halkaan ka akhri
Ra’iisul Wasaaraha doqladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay  waday maalmahan howlo qeybineyso Xildhibaanada Baarlamaanka mush-haardkooda, balse  Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyey  in mush-haarka ay siinayaan oo kaliya Xildhibaanada jooga magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo saaka wareysi gaar ah siinayay Idaacada afka Dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho wuxuu  tilmaamay in mush-haarka ay leeyihiin Xildhibaanada Muqdisho ku sugan, isla markaana Xildhibaanada dibada ku maqan aanay wax mushaar heli doonin haddii ay Muqdisho imaanin.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faah faahin ka bixiyay shirka bisha June Muqdisho ka dhici doono, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid Umadda Soomaaliyed ay aayaheeda kaga tashaneyso.
Raiisul Wasaare Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:  “Shirkaas waxaa kaalinta ugu weyn ka qaadan doona shacabka Soomaaliyed iyo Xukuumada, waa shir aayaha umada Soomaaliyed ay uga tashaneyso”wuxuuna  intaa ku daray in shirkaas lagu casuumi doono Waxgaradka, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo qeybaha bulshada oo idil, kaasoo uu sheegay inay fikradooda ka dhiiban doonaan.
Hase yeeshee hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Ammaanka ay isku raaceen in shirka lagu qabanayo bisha June Magaalada Muqdisho uu maamulo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo la filayo in natiijo wax ku ool ahi ka soo baxaan.
SomaliSwiss     Muqdisho
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya.(somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.