Halkaan ka akhri
War naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Dadweynaha deggan Tuulooyinka ku hareersan magaalada Beletweyn ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan waxay dagaaladaas ay ka dhaceen inta u dhaxaysa Maxaas iyo magaalada Beletweyne.
Waxaa Shalay Gelinkii dambe uu dagaal qaraar ka dhacay Tuulada lagu magacaabo Teedsan oo ku taala inta u dhaxeysa Maxaas iyo Maglaada Baladweyne, dagaalkaasi oo la isku adeegsaday rasaas culus ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Al-Shabaab looga dilay halkaasi ilaa 9-qof, halka dadka deegaanka iyana looga dilay hal qof, iyadoo mid kalana looga dhawaacay dagaalkaasi.
Tuulada Teedsan oo ku taal Bariga Baladweyne, qiyaas ahaana ju irta 85-km ayaa waxaa la soo sheegayaa in haatan xaaladeedu ay  kacsan tahay, iyadoo dadka deegaankaasi ay wadaan qoorshihii  ay isga difaaci lahaayeen maleeshiyoonka Xarakada Al-Shabaab.
Sidoo kale ilaa iyo haatan ma jiro wax hadal oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab weerarkaasi lala beegsaday askartooda, waxaana Gobolka Hiiraan intiisa badan ka socda kacdoono looga soo horjeedo Al-shabaab, taasi oo loo aanaynaayo cadaadis ay  Al-Shabaab ku hayaan Bulshada ku dhaqan Gobolkaas.
Si kasta ha ahaatee deegaano ka mid ah Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmahaan ka soo cusboonaaday dagaalo loogu horjeedo kooxda Al-Shabaab, iyadoo dadka deegaankaasi ku ugaarsanaaya Shabaabka Wadooyinka kala duwan ee Gobolkaasi mara.
SomaliSwiss     Baladweyne
Related articles
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah.(somaliswisstv.com)
Filed under: Baladweyne |
You must be logged in to post a comment.