Advertisements

Xukuumadda KMG Soomaaliya oo xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii guud ee Qaranka C/llaahi D/ Barre.

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Xukumada KMG Soomaaliya ayaa xalay ka qaaday xilka Xeer Ilaaliyihii Qaranka Cabdullahi Dahir Barre, iyaga oo jagadaasina u magacaabay C/qaadir Maxamed Muuse.

Kulanki xalay oo uu shir gudoominayey ra’isulwasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay qorshe uu soo jeediyey Wasiirka Garsoorka kaasoo ahaa in xilka laga qaado xeer ilaaliyaha.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay afhayeenka Xukumada Enj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) kaasoo faah faahiyey qodobadi kale ee loogaga hadlay kulanka.

Inj. Yariisoow ayaa sheegay in sidoo kale Golaha Wasiirada ay xooga saareen sidii loo diyaarin lahaa qabsoomiada shirka loogaga hadli doono aayaha dowlada ee dhawaan lagu qaban doono Muqdisho.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uu dhici doono 16-ka bishan June iyadoo uu fududeyn doono ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

“Go,aanada kale ee kasoo baxay kulanki Golaha Wasiirada waxaa ka mid ah, In loo baahanyahay in hey’adaha dastuuriga ah ay wada fariiskaan kana hadlaan dib u heshisiin dhexdooda ah, sidoo kale waxay isku raaceen in gudi loo saaro, qeybtal labaad waxay cadeeyeen in loo baahanyahay in shirka ka dhacayo Muqdisho inuu noqdo mid miradhal ah, shirkana waxaa la isku raacay in la qabto 16-ka June iyadoo Agustine Mahiga uu ka noqon doono fududeeyayaha shirka.” ayuu yiri Mr Yarisioow.

Dadka lafa guro siyaasada dowlada KMG ayaa sheegaya in xil ka qaadista Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay la xiriirto arrimo dhinaca siyaasada ah, gaar ahaan qilaafaadka dowlada.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: